19.jpgHargeysa-(Lug)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu caawa kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada wefdi balaadhan oo ka socda Golaha Baarlamaanka ee dalka Kenya.

Wefdigaasi oo uu hogaaminayo, Mudane, Faarax Macalin, oo ah Gudoomiye ku xigeenka Golaha Baarlamaanka ee dalka Kenya, waxa ay booqasho dhawr maalmood ah ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland.

19.jpg
 
Madaxweynaha Somaliland waxa uu marka hore wefdiga uga waramay taariikhdii sooyaalka ahayd ee Somaliland tan iyo markii ay is raaceen wadankii la isku odhan jiray Somalia iyo markii ay qaranimadeeda kala soo noqotay dalkaasi.
 
Madaxweynuhu , waxa kale oo uu wefdiga ugu mahad naqay socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland,iyagoo inta ay dalka joogaan indhahooda ku soo arki doona horumarka ay ku tallaabsatay Somaliland, gaar ahaan dhinaca Nabad gelyada, Xasiloonida, Geedi socodka dimquraadiyada iyo arrimaha kale ee ku saabsan horumarka dalka.

23.jpg
 
Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa ayaan darro ah, iyada oo arrimahaasi ay Somaliland qabsatay  in caalamka, gaar ahaan wadamada Afrika ay dhagaha ka furaysteen aqoonsiga Somaliland iyo taageerada ay u baahan tahay , mudnaantana had iyo jeer la siiyo meesha dagaalka iyo qalalaasuhu ka socdo oo ah walaalahayaga Soomaaliya”.
 
Madaxweynuhu , waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in ay lagama maarmaan tahay in wadamada Afrika ay albaabadoodu isku furnaadaan, gaar ahaan dhinaca Isgaadhsiinta iyo Ganacsiga, taasi oo wax weyn ka tari doonta in Afrika marka hore ay iyadu is tix gelis isna barato.
 
Hogaamiyaha Wefdiga, Mudane, Faarax Macalin, waxa uu Madaxweynaha, Xukuumada iyo shacbiga Somalilandba ugu mahad naqay soo dhaweyntii fiicnayd ee isaga iyo wefdigiisu ay kala kulmeen mudadii gaabnayd ee ay Somaliland joogeen , isagoo tibaaxay in indhahoodana ay ku soo arki doonaan meelo badan oo Somaliland ka mid ah inta ay dalka ku sugan yihiin.
 
Gabo gabadiina, waxa uu Mudane Faarax cadeeyay in socdaalkoodani uu noqon doono mid sii xoojiya xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Kenya, isagoo aan noqon doonin kii ugu danbeeyay ee ay dalka Somaliland ku yimaadaan.
 
 
Allaa  Mahad leh,
 
 
Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland