Borama-(Lug)-Wararka ka imanaya Magaalada Saylac ee G/Selel ayaa sheegaya in masuulyiinta Gobolkaasi  halkaasi kasoo saareen kudhawaad 10 ka mid ah hoggasmiye dhaqameedyada  Gobolka Awdal  oo doonayey inay soo eegaan xaaladda jasiiraddaha Saacaddiin iyo Ceebaad.

Sida warku sheegeyo maamulka gobolkaasi iyo ciidamada amniga  ayaa Salaadiintaasi iska hortaagay inay tegaan jasiiraddaasi kaddibna amar ku bixiyey  inay Salaadiintaasi halkaasi iskaga baxaan taasina ay keentay in salaadiintaasi haatan dib ugu soo jeedaan magaalada Boorama oo ay ka amba baxeen   afar casho ku dhawaad ka hor.

Wararka ayaa sidoo kale sheegay in  amarka masuulyiinta G/Selel uu ka dambeeyey cadho xukuumadda Somaliland ka muujisay socdaalka   salaadiintaasi  ku tegeen Saylac  iyagoo ka jawaabaya qaylodhaan ka timid degaankaasi.

Ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca salaadinta balse wasiirka hiddaha iyo dalxiiska kanasoo jeeda degaanka G/Selel ayaa warbaahinta Somaliland u sheegay inaan waxba lagala socodsiin socdaalka Salaadinbtu halkaa ku tegeen sidaa darteedna ay sharci darro tahay in hoggaamiye dhaqameedyo  tiradaa le’eg oo aan la ogeyn waxay u socdaan dhulkaasi tegaan iyagoo aanay dawladdu  la socon.

Hadalka wasiirka ayaa sidoo kale ujeedadada hadalkkiisa loo fasiran karaa inaan guud ahaanba gobolkaasi oo dhawaanta madaxweyne Rayaale ka jaray gobolka Awdal cid  magacbeeleed iyo mid dawlaadeedba huwan halkaa tegi karin isaga la’aantii taasina ay muujinayso sida durba gobolkaasi uga faro baxay   gobolkii hore loo odhan jiray Awdal, salaadiinta haatan tegtayna ay dhulkaasi  ku tegeen fiiso la’aan .

Si kastaba ha ahaatee weli lama oga waxay salaadiinta reer Awdal kula soo guryo noqon doonaan Boorama balse sida la sheegeyo  waxay tallaabadan maamulka Selel kaga soo saaray degaankaasi  loo qaadan karaa dhoolatus    ku saabsan awoodda maamul ee dawladda Somaliland ku leedahay dhulkaasi iyo awoodda salaadinta   reer Awdal  ee degaankaasi taasina ay  gacanta ku yeelatay xukuumadda sare.

Ugu dambayntiina dhacdadan ka dhalatay jasiiraddaha Saacaddiin iyo Ceebaad ayaa markii ugu horreysay xamaasaddeedu isku keentay tiro intaa le’eg oo ka tirsan Salaadiinta gobolka Awdal inkastoo salaadintaasi degaankaasi lagaga soo saaray xoog milatari iyo hanjabaado kaga yimid dhinaca xukuumadda Rayaale balse  sheekada ku saabsan jasiiraddaasi iyo degaankaasi ayaa laga yaabaa inay sii socoto muddo dheer balse an la ogeyn waxay ku dhamaan doonto.

 

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama