Dunidan aan ku noolnahay waxa maalin kastaba ka dhacaya isbeddel oo ku saabsan xagga dhulka, xagga dadka, xagga dawladaha iyo dhinaca nolosha bani aadamkaba .Waxa maalin kasta dunida daafaheeda laga soo sheegayaa boqolaal hadiiba aanay ahayn kumanyaal dhacdo oo farxad iyo naxdinba isugu jira, qoysas abuurmay kuwa baaba’ay, siyaasiyiin magac iyo guulo soo hooyey iyo kuwa guuldarro ku dhacday, dad la jeclaa oo la waayey iyo kuwa la naceb yahay oo soo baxay, waxaasoo dhammina waxay ku dhacayaan waa qaddarka Ilaahay .
1991kii markii ay Boorama soo galeen xoogaggii SNM isla markaana ay sii badatay colaadii iyo caloolxumadii reer Boorama qaadeen waagaasi ayaa nin kastoo wakhtigaa joogay aan ku fikirin in maalin maalmaha ka mid ah nin ka tirsan G/Awdal uu masuul ka ama madaxweyne ka noqon doono Somaliland oo ay aaminsanaayeen inuu yahay gobol iyo dad ay qabsadeen xoogag shisheeye sidaa darteedna ilaa maanta qaar badan oo reer Awdal lasoo marin laayahay inay reer Boorama Somaliland xukumaan .
Shirweynihii dib u heshiisiinta beelaha Somaliland ee Boodama lagu qabtay 1993dii ayaa sidoo kale dad badan oo reer Awdal ahi debed iyo gudaba aaminsanaayeen inay sii socon doonto ama sii shaqayn doonto waxay u arkayeen dawlad ay samaysteen beelihii taageeri jiray SNM isla markaana reer Boorama lagu khasbaya uun inay ku biiraan maadaama aanay waagaa haysan xal kale oo ku haysan karayeen nabadgelyo iyo dawladnimo ay ku sugaan inta Soomaaliya wax noqonayso .
Mansabkii madaxweyne kuxigeenka Somaliland ee ay waagaa qaateen u arkayeen uun in loogu abaalguday jihaadka uu siyaad Barre la galay xukuumaddi miltariga ahayd ee siyaad Barre, xildhibeenadii iyo wasiiradii iyo shaqaalihii waagaa lagu daray xukuumaddii u horreysayna oo qaarkood ilaa maanta shaqeeyaan, aaminsanaayeen inay ahaayeen oo keliya kuwa taabacsanaa Md. C/raxmaan Aw Cali ee aanay ahayn kuwa metela reer Awdal guud ahaanba sidaa darteedna mansabyada saamiqaybsiga lagu siiyeyna ahaa balse aan loo oggolayn in mansab kaa ka sarreeya aan looga oggolayn Somaliland .
2003dii ayuunbaa reer Awdal ku baraarugeen in dawladnimada Somaliland shaqaynayso, dalal badan oo geeska Afrika ahna ka wanaagsanaatay xag dhaqaale iyo xag nabadgelyo loogana soo shaqo tegeyo dalalka yurub iyo Maraykanka. sannadkaasoo ay dhaceen doorashooyinkii Daahir Rayaale ku tegey kursiga dalka ugu sarreeya ilaa maantana uu madaxweyneka yahay Somaliland ayaa waxa Boorama ka Gelbiyey boqolaal qof oo isugu jiray saaxiibadiisii hore, odayaal, madaxdhaqameedyo kasoo jeeday beelaha reer Awdal guud ahaanba kuwaasooa markii hore ku kala aragti duwanaa jiritaanka Somaliland .
Ragii waagaa Boorama kasii raacay oo isugu jiray aqoonyahanno, askar ay ka wada tirsanaan jireen xukuumaddii siyaad Barre, Macallimiitiisii hore ee dugsiyada kala duwan iyo kuwa ugu dhawaanayey dano gaar ahaaneedba ayaa aakhirataankii qaar ka mid ah lagu daray dawladii u horeysay ee uu Rayaale magacaabay .
Raggii waagaa ka mid noqday xukuumadda ayaa maanta ka maqan guulaha kale ama guuldarooyinka xukuumadda Rayaale usoo socda, iyadoo badi siyaasiyiintaasi tii ilaahay ka qadisay mustaqbalka siyaasadda dawladii ay dhiseen 2003dii.
Siyaasiyiinta maanta ka maqan xukuumaddii waagaasi ee qaddarka Ilaahay u yimid ayaa waxa ka mid ah Marxuum Cabdi Xasan Buuni iyo Marxuum Qaasim Sh.Yuusuf halka dhawaanta isagana caafimaaddarro awgeed debedda loogu qaaday Axmed Xaaji Daahir wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta .Inkastoo dhacdooyinkan xagga Ilaahay ka yimid ee madaxweyne Rayaale ka nixisay aanay waxba ka beddelayn jiritaankla Somaliland isla markaana mansabyadii ay banneeyeen marxuumiintaasi loo magacaabay siyaasiyiin kale waxayna marxuumiintaasi dalka kaga tegeen iyagoo sharaf leh maalin keliyana aan loo qabsan dembi ay shicibka ka galeen marka laga reebo eedeymo xilku isku lahaa .
Waxase meesha taal waayaha siyaasadeed ee siyaasiyiinta Somaliland inay mar walba ku xisaabtamaan qadarka Ilaahay oo ay aakhiradooda u tudhaan isla markaana madaxweyne Rayaale xusuusto halka ay ku dambeeyeen raggii saaxibadii, tolkii .iyo qaraabadiisii toban sano ku dhawaadka la joogay madaxtooyada Somaliland isla markaana u fiirsado ragga maanta la jooga, la taliya, xumaan iyo samaan midkay doontaba ha ahaatee siyaasadda saaxiibka kula ah .
Siyaasiyiinta iyo shaqaaalaha ee Boorama kasoo raacay madaxweyne Rayaale waagii la doortay ee maanta ka maqan agtiisu maaha uun reer Awdal balse waxay isugu jiraan guud ahaanba gobolada iyo degmooyinka Somaliland kuwa ka kala socday balse qaddarka Ilaahay ka kaxeeyey madaxtooyada ha u badnaadaan reer Awdal eh.
Ugu dambayntiina lama oga in ragga buuxiyey mansabyadii, xilalkii iyo masuuliyaddii ay ka tegeen siyaasiyiintii dawladdii u horreysay ee Rayaale dhisay ay mar kale u horseedi doonaan Rayaale iyo inkale hase yeeshee looga baahan yahay inay inta xilka dalka la hayaan madaxweyne Rayaale aanay gelin arrimo foolxumo ku ah dalka iyo dadweynaha Somaliland gaar ahaanna aanay reer Awdal ka sheekaysanin sannadaha soo socda xitaa hadii Rayaale iyo colkiiisu ka tegeen xilka maanta ay dalka u hayaan, hawlaha aduunyaduna aanay illawsiinin tan aakhirada
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maxaa Kasii Hadhay Siyaasiyiintii Iyo Masuuliyiintii Reer Awdal Ee Ka Tirsanaa Xukuumaddii U Horreysay Ee M/Rayaale? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback