22222.jpgSaylac (Lug) Salaadiinta beelaha galbeedka Somali Land oo labadii maalmood ee u danbeeyey ku sugnaa magaalada Saylac, ujeedadooduna ahayd iney ka warhelaan gaziiradaha Sacad Diin iyo Ceebeead oo la sheegey in muwaadin reer Djibouti ah laga iibiyey, ayaa loo diidey iney gaziiradahaasi booqdaan, iyada oo ciidan faro badan oo Police ah magaalada Saylac lagu wareejiyey.Suldaan Ibraahim Jaaamac Samatar oo ku hadlayey magaca salaadiinta beelaha galbeedka Somali Land ama Selel iyo Awdal ayaa sheegey in loo diidey gelintaanka labada gasiiradood, wuxuuna sheegey in sees adag lagu wareejiyey gasiiradahaasi loona qoondeeyey muwaadin reer Djibouti ah.

Suldaan Samatar waxa uu Shabakada wararka ee Lughayanews u sheegey in ciidanka Somali Land ay ka horistaageen gelitaanka labada gasiiradood, wuxuuna yidhi: askartu waxay noo sheegeen iney ay amar madaxtooyada iyo wasaaaradda arrimaha gudaha ka soo baxay dhaqan gelinayaan, islamarkaana ayna rukhsad u heysan iney gasiiradaha noo ogolaadaan.

Suldaanku waxaannu  aad ula yaabney buu yidhi waxa la qarinayo ee keeney in ciidan intan leeg la soo dhoobo Saylac, iyo sobobta loo diiddan yahay iney cidiba u dhawaato gasiiradahan, iyada oo uu iibinta dhulkaasina ku tilmaamey mid sharciga baalmarsan.

Suldaanku waxa uu xusey iney iyaguna ka gaabsadeen isku miqiiqidda gaziiradahaasi si ayna rabshadi u dhicin maadaama ay dadka deegaanku gadoodi karaan haddii salaadiintooda la xumeeyo, haseyeeshee waxa uu sheegey iney caawa ka bixi doonaan Saylac barrina ay shir jaraa`id ku qaban doonaan Borama.

wariye:
Yusuf Cabdi Cali (Indho-Qurux)
Lughaya News- Saylac