2221.jpgDoha-(Lug) Daahir Cumar Abtidoon waa muwaadin u dhashey gobolka Selel ee woqooyiga Somali Land, haseyeeshee deggan magaalada Doxa ee xarunta dalka Qadar, Daahir wakhti haatan laga joogo qiyaastii labo wiig ayuu booqdey dalkiiisii hooyo
 wuxuuna socdaallo ku soo maray deegaanno ay ka midyihiin Garbo-Dadar, Gergaara, Sheeddheer, Durdurka cad iyo Godin Abreyn oo ka tirsan gobolka Selel, wuxuuna maqaalkan ku sawirayaa waayihii iyo waxyaabihii uu ku soo arkey dhulkaasi oo ay isaga oo carruur ah ugu danbeysey, wuxuuna warbixintiisa ku xoojinayaa sawirro uu ka soo qaadey deegaanka Durdurka cad.

2221.jpg

“Guud ahaanba markaad ufiirsato xalada ay dadka Somaliyeed ku noolyihiin,Waxad arkaysaa waxaad la yaabto oo madaxa kaa wareeriya. Sidaynu ognahayba umadi waxay guul ka gaadhaa waxay hamigeeda u horeeya ka dhigto. Laakiin markay hamigeed uhoreeya ka dhigto Khasaare waxay usii dagaysaa khasaar siday usii socotana waxay ka Dhacaysaa jaranjarrada nolosha.

Hadaba anigoo kolay iska ogaa xaalada nololeed ee lagaga nool yahay Dooxii aan ku dhashay ee Durdurka Cad, Hadana waxyaabaha aan aadka uga naxay ee aan arkay waxa ugu waynaa Qaadka iyo sida uu dadka cuna u dulaystay iyo lacagta jonyadaha lagu cabaynayo Een xerona ugu jirin xeerna ugu jirin.

durdurka-cad1.jpg

Inta aad magaaloyinka waawayn joogto Waxa laga yaabaa inaad aragto rag aan jaadka cunin oo Nolol raadinaya lakiin miyiga ama tuulooyinka waxad arkaysaa in raga oo Yar iyo waynba qaadka cuno oo marka uu soo qaban wayana aad modo Inay geeriyi ku timid.

Intaa waxa dheer dhibaatooyinka kale ee la wada ogyahay sida dhaqaale burburka, caafimad darada hami la,aanta iyo waxyaabo kaloo badan. Hadaba waxay is waydiintu tahay qofku ma ogyahay inay dhibooto haysato iyo in kale?

Anigu shakhsiyan markaan is waydiiyay waxaan idhi ma oga dadkanu arintan haysata, sidas darteed waxan ku magcaabay (cadaw aan la ogayn). Wayo umad hadii cadaw ku soo duulo uu qabsado waxa hubaal ah inay mar uun dhibta iska dul qaadaan, Waa haday cadawgan iyagu u arkaan inuu cadaw yahaye, Hadayse sidaas u arki waayaan waxa ku daayimaya in aan laga kicin.

Hadaba waxay arintu tahay maxaa xal ah oo umadeena lagu badbaadin karaa?

kolay arintaas jawaabteedu waxay u baahanthay in la hordhigo aqoon yahano takhasusyo kala duwan leh sida culuumta bulshada,Dhaqaalaha siyaasada iwm. Anigu shakhsiyan waxan kamid ahay dadka rajada fiican qaba oo arimaha dhinacyo badan ka eega ilaa inta xal loo helayo. Hadana markan dhibta intan leeg arkay sidii loo xalin lahaa maskaxdayda way ka waynaatay Oo waxan u muuqday qof caajis ah oo Buur dheer isa soo hortaagay kuna adkaatay siduu uga bixi lahaa.

Markaan dhawr todobaad fakarayay waxaan ka gayn waayay bal in la bilabo sidii dhibtan wax looga qaban lahaa.maxaayeelay waxan ognahay mar hadii hawl la bilaabo ay mudo socoto, in geediga dhexdiisa laga heli karo fikrado ama xuluul badan oo ka dhalanaya caqabadaha kolba ku soo waajahaya.

Ugu danbeyn anigu waxan talo mooday in la asaaso ururka ay ku bahoobaan dadka an qaadka cunin oo laga asaaso Dalka gudihiisaa. sidii loo hawl gali lahaa iyo sidii wax loo qaban lahaana, marka la isku yimaado laga arinsado”.

Daahir Cumar Abtidoon
Doxa
saylac69@hotmail.com