Borama-(Lug)-Xaaladda siyaasadeed ee dalal badan oo dunida ka tirsan ayaa inta badan laga arkaa hadba jihada siyaasadeed ee dalwadahaasi kula macaamilaan dadweynaha hoos yimaadda xukunkeeda.
Hadii ay tahay xukuumad isku hallaynaysay xoog miliatari, mid Boolis iyo mid NSS inta badanna kharashka ummadaasi soo gala ku bixisa dhiirrigelinta xoogaggaasi ayaa uun loo arkaa ama lagu qiimeeyaa inay tahay xukuumad kelitalis ah, xukunkana ku haysta xoog milatari isku hallaynaysa xoogaggaasi.
Haddii ay tahay mid inta badan xoogeeda dhaqaale gelisa hay”adaha adeegyada, hay’adaha sharciga iyo meelo ka baxsan xeryaha ciidamadaasi waxa xukuumadahaasi lagu qiimayn karaa mid isku hallaynaysa xoogga shacbiga iyo taageeradiisa.
Haddaba sida laga warqabo waxa dhawaanta Hargeysa laga furay xabsigii weynaa oo indhawaaleba ama ku dhawaad afar sannadood gacanta lagu hayey dhismihiisa.
Dhismaha jeelkaasi oo ay iska kaashanaayeen hay’ado caalami ah iyo dawladda Somaliland lana qiyaasi karayn kharashkii ku baxay ayaa furitaankiisu kusoo beegmay wakhti ay dalka kusoo dhaw yihiin ama la hadalhayo isbeddel siyaasadeed oo ku iman karaya doorashooyin xisbiyada mucaaradka ah iyo xisbiga dawladdu ku loolami doonaan .
Furitaanka xabsiga dhexe ee Hargeysa oo ay dad xogogaal ahi sheegeen inay weli qaybo ka mid ah xabsigaasi qabyo yihiin ayaa sidoo kale waxa barbar socda dhismaha iyo badinta saldhigayada Booliska ee caasimadda Hargeysa iyo meelo kale oo ku yaal Somaliland kuwaasoao ama saldhigyadaasi oo lagu rajo weyn yahay inay qaadi karaan tiro badan oo ka mid ah dadweynaha dawladdu u qabsato arrimo jira iyo kuwa aan jirinba .
Sidoo kale ayaa wasiirada iyo masuuliyiinta xisbiga udub xaafadaha caasimadda ka wadaan xarumo ay maamulayaan wax loogu yeedho guddiyada xaafadaha una eg golayaashii hanuuninta dadweynaha ee xukuumaddii Siyaad Barre kuwaasoo ay ka hawlgeli jireen ciidankii la odhan jiray guulwadayaasha, kana mid ahaa ciidamadii kala duwaanaa ee uu adeegsan jiray taliskii miltariga ahaa ee Soomaaliya, Guulwadayaashaasoo ahaa dadkii ugu jaahilsanaa dawladdaasi uguna caddaaladda xumaa, caddaaladdooduna ahayd ‘daacad ma u yahay kacaaka, mise waa kacaan diid “,.
Ujeedooyinka guddiyada xaafadaha iyo saldhigayada Booliska ayaa rag dawladda ka tirsani ku sheegaan kuwa lagu xoojinayo amniga gudaha hase yeeshee dad badan oo reer Somaliland ah oo aan ogeyn nabadgelyo darro jirtaayi ka shakisan yihiin abuuritaanka raadadkii lagu yaqaannay xukuumadihii ka burburray caalamka maanta aan joogno kuwaasoo ku dhisnaa cabsigelinta iyo cabudhinbta shacbiga.
Su’aasha la isweydiin karo ayaa ah maxaa keenay horumarinta xabsiyada iyo guddiyada ka baxsan sharciyadda dalkan loogu soo beegay wakhti ay dalka kusoo dhaw yihiin doorashooyin lagu soo dooran karo hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka ah?.
Jawaabaha laga sheegi karo xabsiyo badinta iyo guddiyada xaafadaha aasaaskooda .Waa tan koowaade waxa loo qaadan karayaa inay tahay ama yihiin tallabaooyin loogu talogaleyo sidii loo cabidhin lahaa taageerayaasha xisbiyada mucaaradka isla markaana hoggaamiyayaasha xisbiyadaasi iyo masuuliyiintoodaba loogu sii xaadhxaadhi lahaa meelo lagu hayo inta doorashooyinku dhacayaan iyagoo loogu marmarsiiyoon karo arrimo ka dhan nabadgelyada, isla markaana laga shidaal qaadanayo eedeymihii fooshaxumaa ee masuul ka tirsan xisbiga UDUB lana yidhaa Cismaan Hindi uu xisbiga Kulmiye ku eedeeyey inay xidhiidh la leeyihiin argagixisada caalamiga ah arrinhtaasoo uu xisbiga Kulmiye weli masuulkaasi ka sugayo caddaynta eedaymihiisa.
Sidoo kale ayaa xabsigan la furay iyo xoojinta saldhigyada Boolisku daba socdaan sidii loo waayi lahaa dad badan oo la taxaabo looguna daali lahaa baadigoobkiisa maadaama meelaha maanta dawladda Somaliland dadka ku xidhxidhataa yihiin meelo kooban oo la yaqaanno si dhibyarna loo heli karo qofkii ehelkiisu waayaan.
Calaamadahan oo lagu yaqaannay maamuladii hantiwadaagga ahaa ee burburray ayaa sidoo kale loo qaadan karaa inay Somaliland dib uga soo cusboonaanayaan kaddib 20 sano ku dhawaad Somaliland xornimadeedii kala soo noqotay xukuumadihii Soomaaliya iyo taliskii siyaad Barre .Nidaamka caynkan ah ayaa sidoo kale loo qaadan karaa in diktaytarnimadii reer Somaliland kula dagaalameen xukuumadahaasi, albaabkana laga saaray uu haatan Somaliland daaqadda kasoo geleyo sidaa darteedna Somaliland dib ugu laabanayso jidkii ay kasoo bilaabatay labaatan sano ka hor.
Tallaabooyinkan lagu badinayo meelaha shicibka lagu kadeedayo ee dhawaanahanba xukuumadda Rayaale ku tabcayso ayaa sidoo kale loo qaadan karayaa inay doorkan doorashooyibka ku geleyso adeegsiga xoogga iyo xoolaha dalka oo ay ku doonayso inay kursiga kusii haysato shan sano oo la dhaariyo iyo shan ay korodhsato sidaa darteedna wejiga ka muuqda xabsiyada la badinayo iyo guddiya xaafaduhu noqonayaan weji kale oo kasii xoog badan kii lagu galay doorashooyinkii dalka ka dhacay 2003.
Inkastoo aanay xisbiyada mucaaradka ee ay siyaasadda isku hayaan xukuumadda maantu ka hadal xabsiyada la badinayo waxayse u muuqdaan kuwa dedaalkan xukuumadda ee dhinacaasi dareemi doonaan wakhtiga xukuumadda Rayaale ogaato in doorasho dalka ka dhacdaayi tahay jidka keliya ee ay xukunka dalka kusii haysan karto, wakhtigaasoo laga yaabo in xabsiyada eegga la dhammaystirayo ay buuxdhaafin doonaan taageerayaashooda iyo masuuliyiintooduba, aakhirataankana lagu sandulayn doono inay ka baydhaan siyaasadaha mucaaradka, si guuldarro loo bado xisbiyada mucaaradka.
Ugu dambayntiina lama oga arrimaha kale ee la socda xabsiyadan iyo guddiyadan nabadgelyada xaafadaha iyo xabsiga la furay waxayse u egyihiin kuwa dalka kusoo kordhin doona arrimo cusub, walaac cusub iyo colaad siyaasadeed oo keeni doonta arrimo aan maanta joogin, loona baahan yahay in malaayiinta shilin Somalilandka ah ee xukuumaddu ku bixinayso dhismayaasha saldhigyada bilayska loo leexiyo dhinaca waxbarashada, caafimaadka iyo nolosha danyarta.
Xisbiyada Mucaaradka ayaa sidoo kale looga fadhiyaa siday dadkooda uga badbaadin lahaayeen godadka iyo xeryaha dawladdu doonayso inay ku oodato wakhgtiga doorashada.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xabsiga Weyn Ee Hargeysa Laga Furay, Saldhigyada Booliska Ee Lasii Badinayo Iyo Guddiyada Xaafaduhu Maxay Hordhac U Yihiin ? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback