saylici1.jpgHargeysa (Lug)-Madaxweyne ku Xigeenka Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Eng. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka soo laabtay socdaal uu muddo ugu maqnaa dalka Itoobiya oo ahaa socdaal gaar ah.Eng. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo maanta u waramayay qaar ka mid ah saxaafada S.Land wuxuu yidhi “Socdaalkan aan kaga soo laabtay dalka Itoobiya wuxuu ahaa mid gaar ah waxaanan kula kulmay saaxiibadeena  Itoobiya ee ku hawlanaa sidii ay doorashada Somaliland u qabsoomi lahayd oo qeyb libaaxna ka qaadatay xalinta khilaafkii dalka ka jiray. Iyagoo ka soo hor jeeda dib u dhac dambe oo doorashada ku yimaada.”“Waxa kale oo aan la kulmay taageereyaasha xisbiga KULMIYE ee magaalada Addis ababa waxaanan uga xog waramay xaalada dalka waxaanan ku booriyay inay doorashadii madaxtooyada u diyaar garoobaan.Komishanka doorashooyinka ee cusubina waa qaar aan aad ugu kalsoon nahay  oo illaa imika waxay qaadeen tallaabooyin  wanaagsan ayay,”ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka xisbiga KULMIYE.

Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka  KULMIYE oo wax laga weydiiyay eedaymihii Cismaan Hindi u soo jeediyay xisbiga KULMIYE ayaa yidhi “Eedaymaha ka soo baxaya Cismaan Hindi waa nin qoyani biyo iskama dhawro,Al-shabaab waxay guddo iyo waxay gashaba waa la yaqaanaa. Mar walba waxay xukuumadu illaahay ka baridaa in masiibo ay ku sii joogtaa dalka ka dhacdo.”

Md. Saylici oo la weydiiyay sida uu u arko in mucaaridkii dalka uu ka soo laabtay ee Itoobiya lagu xukumay dil qaarna xabsi daa’idn wuxuu yidhi “Itoobiya dimuqraadiyada ma diidana dhawaana waxay wada saxeexdeen in dimuqraadiyada la hirgeliyo doorashooyinka ku soo socda.”

Ramaas