degdeg.JPGBorama (Lug) waxaa la filayaa inuu goor dhaw so gaadho magaaadan Borama ee xarunta Gobolka Awdal, wafdigii ka socday Barlamanka Kenya ee maalmahanba ku sugnaa Somali Land, waxaana la filayaa in wafdigaasi booqan doono goobaha taariikhiga ah ee magaaladani.

wafdigan oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxa hoggaaminaya guddoomiye ku xigeenka Barlamanka Keynya Faarax Macallin, waxayna la kulmi doonaan masuuliinta heer degmo iyo heer gobol ee Awdal, iyada oo qado sharaf ballaadhan maanta loo samayn doono.