Borama-(Lug)-Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin oo ay la socdaan masuuliyiin heer qarana ayaa soo gaadhay magaalada Borama, waxa kale oo ku waheliya safarkan wasiirka m aaliyada ee s/land.
Waftigan oo lagu soo dhaweeyey duleedka magaalada Goroyocawl ayaa waxaa si diiran uuga hortagay masuuliyiin heer Gobola iyo heer Dagmo,waxaa kale oo wadooyinka tubnaa ardayda Jaamacadaha kuwa Dugsiyada iyo dadwayne kale oo aad u tiro badan.
Waftiga ayaa waxay si toos ah u booqan doonaan Jaamacada Camuud ,waxaana lagu wadaa in duhurnimada maanta ay qado sharaf ku yeeshaan hotel Rays,isla markaana ay dib ugu laabtaan magaalada Hargaysa.
Waxaa kale oo aad loo adkeeyey amaanka magaalada Borama ,waxaana goob walba tuban ciidamada Policeka ,Milateriga iyo ciidanka Trafickada ,waxana ciidamadu baadhayaan cidwalba oo galaysa ama ka baxaysa goobaha u qorshaysan inuu waftigani tago, dhaqdhaqaaqa goobaha qaarna waa la xanibay.
Haduu allah awooda lihi idmo muuqaalada iyo wararka safarkan waxaad ka heli doontaan wararkayaga danbe
Wariye :-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Waftigii Baarlamaanka Kenya Oo Soo Gaadhay Boorama Iyo Amniga Oo Loo Adkeeyey Sidii Ugu Adkayd Abid "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback