110.jpgBorama-(Lug)Wafti uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka baarlamaaanka Kenya oo socdaalka Boorama ay ku wehelinayeen Wasiirka Maaliyada, safiirka Wareega iyo saraakiil ka tirsan xukuumada Somaliland ayaa galabta ku laabtay magaalada Hargeysa ka dib markii booqasho hal maalin qaadatay ay ku yimaadeen magaalada Borama.

110.jpg

Booqashadan waftigaasi uu horkacayay gudoomiye ku xigeenka ayaa waxay daba socotay sidii uu u hubin lahaa horumarka iyo nabadgalyada ka jirta gobolkan Awdal, iyadoo uu horena waftigaasi u soo booqday gobolka Saaxil iyo magaalada Gebiley.

24.jpg

Waftigan waxaa ku soo dhaweeyey gobolka Awdal gudoomiyaha gobolka, duqa degmada Borama, xoghayaha dowlada hoose iyo arday ka tirsan jaamacada Camuud iyo dadwayne aad u tiro badan oo kaga hor tagay magaalada Garonyo cowl oo 7km dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Borama iyadoo waliba markii ay magaalada Borama ay soo galeen ay dadwaynuhu iyaga oo tuban wadada hareeraheeda ay si farxad leh u soo dhawaynayeen iyadoo taasina ka turjumaysa nabada ka taagan degaanka degmada Borama.

33.jpg

Intii uu waftigu ku sugnaa magaalada Borama waxa uu soo booqday Jaamacada Camuud qaybaheeda kala duwan, iyadoo waliba kulan la qaatay ardayda jaamacada Camuud, kulanna kula yeeshay maamulka jaamacada iyo macalimiinta xafiiska gudoomiyaha jaamacada Camuud, waxana gudoomiyaha xigeenka iyo waftigiisa warbixin ka siiyay sida ay u shaqayso jaamacadu iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof.Saleebaan Axmed Guuleed waxuuna carabka ku dhuftay in jaamacada Camuud ay wax ka dhigaan macalimiin Kenyan ah isla markaasina uu farta ku fiiqay in xidhiidh wanaagsani uu ka dhexeeyo jaamacado Kenya ku yaala oo macalimiinta Somaliland ee wax ka dhiga halkani ay wax ka soo barteen dalka Kenya, waxuuna Professorku intaasi raaciyay inay jaamacadani dhigtaan arday gaadhaysa 2000 arday isla markaasina ay had iyo jeer ay ka shaqeeyaan sidii loo sii balaadhin lahaa xidhiidhka jaamacadu la leedahay jaamacadaha caalamka ee dunida daafaheeda ku kala yaala waxuuna u sheegay waftigaasi in xaruntani ay markii hore ay ahaan jirtay dugsi sare balse imika ay tahay xarunta jaamacada.

43.jpg

Waftigu waxay kulan kula qaateen hoolka way ee Jaamacada ardayda jaamacadaasi, iyadoo uu halkaasi hadal uga jeediyay gudoomiye ku xigeenka baarlamaaka Kenya Faarax Macalin ayaa kula dardaarmay ardayda inay dadaal dheeriya oo xaga aqoonta ah muujiyaan isla markaasina ay isla ilaaliyaan oo ay ka foojignaadaan jaadka oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid dhaqaalaha iyo caafimaadkaba wax yeeleeya, waxuuna ugu baaqay ardaydaasi inay kaalin wayn ka qaataan ilaalilnta iyo xoojinta nabadgalyada isagoo tilmaamay in dalkii Somalia ay nabadgalyo daro ka jirto waxbarashadiina ay dhib tahay sidii loo heli lahaa waxaanan aad ugu faraxsanahay buu yidhi dalka intii aan joogay nabadgalyada ka jirta waxii aan u qaban karnana waan ku dadaalaynaa.

51.jpg

Waxaanay wafitigu soo booqdeen Isbitaalka Xayaat oo ah xurunta oo aan wali howlgal ahayn laakiin dhismihiisa iyo qalabkiiba ay u dhan yihiin looguna talo galay inuu noqdo goob wax lagu baro ardayda jaamacada Camuud dhinaca caafimaadka.

61.jpg

Waftigana waxa hotel rays ee magaalada Borama qado ugu sameeyey dowlada hoose ee magaalada Borama mudadii ay ku jireen qadada ayaa Suldaan Ibraahin Jaamaca Samatar waxa uu halkaasi ku gudoonsiiyay waftiga buugaag ay qoreen dhalinyaro reer Boorama ah oo maanta loo ban dhigay dadka reer Awdal.

7.jpg
82.jpg

Wariye:-
Abokor Hasan Affi
Lughayanews-Borama