Borama-(Lug)-Bandhiga buugaagtan waxa ka qayb galay gudoomiyaha waxbarashada gobolka Awdal, Salaadiinta gobolka qaarkood iyo Maamulka shirkada Telesom Borama, xubno ka socda caafimaadka gobolka iyo dadwayne kale oo danaynayay buugaagtaasi la soo bandhigay.
Waxana halkaasi lagu soo bandhigay buuga koowaad oo ka hadlayay Boorama, the capital city Awdal region oo ah magaalo madaxda gobolka Awdal, the hope of the possibility and development. Waxaana qoray buugani oo iska kaashaday Mawliid Maxamed Aden iyo Axmed Abiib Hayir, waxaanay sheegeen mar ay ka hadlayeen munaasibadaasi buugaagtooda lagu soo bandhigayay in qoraalku yahay mid kugu dhiiri galinaya sare u qaadida aqoonta iyo ku baraarujinta in dadku wax qoraan, waxana labada dhalinyarada ahi tilmaameen in qof waliba uu ku dadaalo bal siduu wax u qori lahaa halka buuga labaadna uu ka hadlayay Unfortunate Death waxana qoray Axmed Abiib Hayir , iyadoo wiilashaasi ay dadaadl balaadhan iyo wakhti ku lumiyeen qorista iyo siday u soo bandhigi lahaayeen buugaagtaasi.
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar waxuuna ku amaanay wiilasha soo bandhigay buugaagtan inay yihiin kuwo ku dayasho mudan waxuuna ugu baaqay bulshada kale inay isku dayaan inay qoraan kuwo ka hadlaya dhaqanka iyo ku baraarujinta dadka inay xaga horumarka ka qayb qaataan.
Waxaa ugu dambayntii isaguna munasibadaasi ka hadlay Gudoomiyaha waxbarashada gobolka Awdal Prof.Daahir Maxamuud Xadi waxuuna sheegay in wasaarada waxbarashadu ay la garab joogto cidkasta oo waxqoraya taageero iyo garabsiinba, waxuuna ugu baaqay dhamaan dadka inay isku dayaan inay sheekooyin ama buugaag waxay doonaan haka hadlaane inay qoraan taasina waxa uu ku tilmaamay inay taasina dhiiri galin u noqonayso in qorkastaaba ku dhiirado inuu wax qoro waxna akhriyo waxuuna wiilasha buugaagta qoray ku amaanay dadaalka balaadhan ee ay sameeyeen.
Waxana hore loogu soo bandhigay goobaha maskaxmaal iyo buugagta kale lagu soo bandhigo ee magaalada Borama, buugaag kala duwan oo dadka reer Boorama ay qoreen.
Wariye:-
Abokor Hasan Affi
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Buugaag Ay Qoreen Dhalinyaro Reer Awdal Oo Lagu Soo Bandhigay Hotel Rays Ee Magaalada Borama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback