Hargaysa-(Lug)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay safar marti qaada ugu kicitimay dalalka Itoobiya iyo Maraykanka, taas oo la sheegay inuu marti-qaad rasmiya ka helay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Maraykanka.Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE Keyse Xasan Cige, ayaa xaqiijiyay safarka Guddoomiyaha Kulmiye ee dalalka Itoobiya iyo Maraykanka. Waxaanu sheegay in marti-qaad uu ka helay Wasaaradda Arrimaha dibedda Maraykanka awgeed, uu safarkan ugu baxayo dalkaas, waxaana marti-qaadday qolo Wasaaradda Arrimaha dibedda u qaabilsan arrimaha Afrika oo doonaya inay la kulmaan. Sababtoo ah, waa kuwan mararka qaarkood la kulma.” Ayuu yidhi Xoghayaha guud ee KULMIYE.
Mr. Keyse mar aanu waydiinay in marti-qaadkan loo fidiyay Kulmiye oo kaliya iyo inay Mucaaradku u dhan yihiin, waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Kulmiye oo kaliya loo fidiyay. Waxaanu sheegay in uu sii mari doono dalka Itoobiya oo uu kula kulmi doono Madaxda dalkaas. Halkaas oo uu u sii dhaafi doono Washington. waxa uu Addis-Ababa joogayaa saddex maalmood, kollay inta uu joogo Itoobiyana madaxda Itoobiya way is-arkayaan, dabadeedna toos buu u tegayaa Washington.” Ayuu yidhi Xoghayaha guud ee KULMIYE Keyse Xasan Cige.
Sidoo kale, mar aanu waydiinay muddada laga yaabo inuu qaato socdaalka Guddoomiyaha KULMIYE, wuxuu sheegay in ugu badnaan uu qaadan doono saddex toddobaad. “Hadday ugu badato wuxuu maqnaanayaa saddex toddobaad, haddii aanu laba toddobaadba maqnaanin” ayuu yidhi.Waa markii ugu horraysay ee dawladda Maraykanku marti-qaad noocan ah u fidiso Hoggaamiyayaasha Siyaasadda, gaar ahaan Mucaaradka tan iyo intii ka dambaysay heshiiskii ay wada-jirka u gaadheen saddexda Xisbi Qaran ee ay dhexdhexaadinta ka galeen Beesha Caalamku
Haatuf


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Guddoomiyaha Kulmiye Oo U Boqoolay Dalka Maraykanka "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback