Borama-(Lug)-Nin kastoo siyaasi ah una fiirsdada  dhaqanada kala duwan ee leeyihiin masuulyiinta dawladda Rayaale gaar ahaan golaha wasiirada iyo masuulyiinta xisbiga UDUB ee hore uga tirsanaa dawladda ama xisbigaasi kuna jiray sannadaha badan iyo kuwa cusub ee  sheegtaa inay ka baxeen xisbiyada mucaaradka ah .

Nin kasta oo caqli leh ayaa sidoo kale garan kara in habdhaqanka ragga  Dawladda Rayaale ku cusubi u egyihiin kuwa xisbiyada mucaaradka ahi ka nasteen buuqoodii, kursi raadintoodii, aflagaadooyinkoodii iyo dhaqaale maroorsigoodii   xisbiyadaasi usoo dulqaadanayeen sannadaha badan , haatanna ay xisbiga UDUB iskaga dhigayaan inay ka daacadsan yihiin kuwii hore  uga tirsanaa xisbiga UDUB iyo dawladda isla markaana isku dayaya inay ka dheereeyaan raggii halkaa  sii joogay ee ay sida wanaagsan isku barteen madaxweynaha .

Haddaba marka la eego dhinaca warbaahinta, dhinaca xamaasadaha siyaasadeed iyo kuwa qabyaaladeed  ee ay xisbiga UDUB kusoo biiriyeen ragga cusubi ayaa  siyaasiyiin badan oo halkaa sii joogay sugayaan waxay siyaasiyiintaasi cusubi kusoo kordhiyaan xisbiga UDUB  iyo dawladda .Raggan oo u bartay muran siyaasadeed  iyo qalallaase ay ka dhex abuuraan xisbiyada UCID iyo Kulmiye ayaa xisbiyadaasi u dhabar adaygeen isla markaana u madaxbannaaneeyeen qalallaasaha ay kula dhex jireen xisbiyada mucaaradka ah ilaa ay iyaga laftoodu iska saareen xisbiyadaasi una tegeen dawladda iyo xisbiyada UDUB iyagoo aaminsan in xisbiga dawladda iyo  mansabyada dawladdu yihiin meelaha ay siyaasad ahaan  iyo shakhsi ahaanba kaga aargoosan karaan hoggaamiyayaasha xisbyada mucaaradka ah ,iyagoo  ad mooddo ilmo yar  oo la uleeyey oo aabahood u dacwad tegeyna ay dawladda iyo masuuliyiinta xisbiga UDUB  ku dhiirrigelinayaan  inay uga aargudaan  xisbiyada mucaaradka ah dawladduna karbaashto Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe .  

Dhinaca kale  siyaasiyiintan raacay xisbiga UDUB iyo dawladda kana tegey xisbiyada mucaaradka ah ayaa  qaarkood  u muuqdaan kuwa u hamuun qaba sidii ay xoolo badan uga urursan lahaayeen mansabyada dawladda Rayaale ay kaga heleyaan ka bixitaankooda   xisbiyada mucaaradka ah siiba xisbiga Kulmiye iyadoo durba goobihii ay kala wareegeen masuuliyiintii hore  laga dareemayo dibudhacyo badan iyo musuqmaasuq badan oo aan hore looga sheegi jirin meelaha  ay xukumaan  sidaa darteedna  aad mooddo inay durba  aafo kale kusii biiryeen xukuumadda .
 
Waxa ragga ama siyaasiyiinta u ciilqabta xisbiyada mucaaradka ah una adeegsanaya dawladda iyo xisbiga UDUB ka mid ah, Gudoomiyaha ololaha gobolada galbeed Cismaan Hindi oo isagu wax aan la arag oo aan la maqal ku sifeeyey walaalkisii shalay  ee xisbiga Kulmiye isagoo ku xidhiidhiyey xisbigaasi iyo hoggaankiisaba argagixisada ugu weyn caalamka ee Al Qaacida.

Waxa kkale oo ka mid ah guddoomiyaha gobolka Hargeysa Maxamed Cabdi Daa’uud oo isna durba  xisbiyada mucaaradka ah iyo isbeddeldoonka siyaasadda Somaliland u samaysanaya xeryo uu ku xidhxidho, isagoo loo furay xabsiga dhexe ee Hargeysa, isla markaana samaysanaya saldhigyo Boolis  iyo guddiyo nabadgelyo oo aan la ogeyn nabadgelyodarada ay ka shaqaynayaan ee dadku ogyahay .Siyaasiyiinta durba ogaaday  inaan afxumo dawladda  Rayaale waxba u tarayn balse cidda aflagaadooyinka u jeedisa  siyaasiyiinta dalka uuni ku ceeboonayaan ayaa waxa ka mid ah Mujaahid Cali Guray oo ka mid ahaa siyaasiyiinta caanka ah ee xisbiyada mucaaradka ah balse ay isdiideen  isla markaana maalmihii ugu horreysay ee UDUB uu ku biiray  hogaamiyayaashan xisbiyada mucaaradka ah afkiisa kaga ciilbaxay balse aan weli afxumadaasi ku helin abaalkii uu UDUB ka sugayey ama uu ugu biiray.

Siyaasiyiinta Xisbiyada mucaaradka ah ka baxay UDUBna ku biiray ayaa dhinaca kale waxa dhibaato ka haysata  sidii ay ula qabsan lahaayeen  xaaladaha ay ku nool yihiin taageerayaasha iyo masuulyiinta UDUB kuwaasoo  qaarkood aaminsan yihiin in ragga UDUB kusoo biiray la iman doonaan dafdaf dheeraad sidaa darteedna ay isku dayayaan inay sutida  qabtaan raggaasi sidaa darteedna ay ula dhaqmaan sidii martida loola dhaqmayey.
 
Dhinaca kale  xisbiga UDUB  masuuliyiintiisa oo ragga kusoo biiray qaarkood hore dawladda  ula galeen dagaal siyaasadeed ayaad moodda inay hangool faraaro leh iskaga xajinayso inay raggaasi usoo tallaabaan dhinaca madaxtooyada, lana xidhiidhaan madaxweynaha marka laga reebo xaflado  lagu martiqaado oo kuraasta dambe fadhiistaan, si gaar ahna aanay ula kulmin madaxweynaha maadaama aanay weli gobo badan ka gelin shacbiga iyo xisbiyada mucaaradkaba  aana la ogaan karin inay xisbiga UDUB iyo dawladda Rayaaleba daacad u yihiin taasina ay keentay in eedo iyo aflagaadooyin  waddanminimada dhaafsiisan u jeediyeen xisbiyada mucaaradka ah iyadoo aan la ogeyn in eedaha iyto godobaha ay badsanayaani  ka saari doonto imtixaanka ay ugu jiraan daacdnimada iyo daacadnimo la’aanta xisbiga UDUB iyo dawladda Rayaale.
 
Masuuliyiinta iyo siyaasiyiinya xisbiyada mucaaradka saluugay  ee sedbursiinta u raadasaday dawladda ayaan sidoo kale ahayn kuwa u adkaysan karaya eedeha iyo dhaliilaha kaga imanaya shacbiga iyadoo UDUB iyo dawladduba aanay u dheg taagin  eedo kastoo mucaaradku u jeediyaan waxana arrimahaasi tusaale ahaanna loo soo qaadan karo  sida Gudoomiyaha G/Hargeysa uga cadhooday qoraal kusoo baxay Haatuf oo lagaga hadlayey xabsiga Hargeysa ee la furay iyo saldhigyada la badinayo qoraalkaasoo ahaa mid tallaabooyinka maamulaha gobolkaaasi qaadayaa ahayn kuwa u socda dhinaca dimuqraadiyadda balse ay yihiin wixii lagu yaqaannay maamulada diktaytarada ah,.Badhsaabka oo si fudud  dadweynaha uga qancin kari lahaa  tallabooyinkaasi ayaa dhinaca kale cambaareyn iyo aflagaadooyin usoo jeediyey ciddi qoraalkaasi Haatuf ka hadashay.
 
Si kastaba ha ahaatee ragga Xisbiyada mucaaradka ah ka yimid ee u tegey UDUB ayaa aakhirataanka laga yaabaa inay  ogaadaan inay galeen dhul aan lagu kaftami kartin hadaladoodana ama sheekooyinkooduna tegi doonaan madaxtooyada sidaa darteedna ay iman doonto maalin kale oo ay ka calaacali doonaan ku biiritaankooda xisbiga  UDUB iyo dawladda ayna ku adkaan doonto inay dib ugu soo laabtaan saaxiibadoodii hore.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama