Waa inaan sharciga si arxandarro ah loogu adeegsan dadka soo barakacay , haweenka iyo kuwa laga tirada badan yahay” Amiin Sh.Siciid kulliyadda shareecada iyo qaanuunka Jaamacadda Cammuud.
Borama-(Lug)-Xoghayaha fulinta maamulka G/Awdal ayaa maanta ku dhawaad afartameeyo ruux oo ka kala socda laamaha dawladda ama maamulka G/Awdal u qaabilsan sharci fulinta iyo kuwa ku hawlan ilaalinta caddaaladda bulshada Boorama ugu soo gebogebeeyey dood ku saabsan kor u qaadidda caddaladda mujtamaca madaniga ah ee dembiyada loo qabsado isla markaana lagu xoojinayey xidhiidhka iyo wadashaqaynta laamahaasi iyo ururada ku hawllan daryeelka caddaladda ee bulshada rayidka ah .
Dooddan oo ay kasoo qaybgaleen taliyayaasha ciidamada Booliska, C.I.Dda iyo xabsiyada G/Awdal, guddoomiyayaasha maxkamadda gobolka Awdal iyo tan degmada Boorama, masuuliyiinta dhinaca qaanuunka ee Jaamacadda Cammuud, salaadiin, culimaauddiin, xubn oo ka tirsan dadka laga tirada badan yahay ururada haweenka, dadka soo barakacay iyo aqoonyahanno kale ayaa waxa khudbad kasoo jeediyey xoghayaha Gobolka Awdal C/laahi Xuseen Aare , isagoo xoghayuhu ka warramay ujeedada laga leeyahay dooddan oo uu ku tilmaamay inay tahay mid ku saabsan dhinaca horumarinta dumiqraadiyadda Somaliland loogana jeedo sidii shacbiga iyo dawladdu uga wada qayb qaadan lahaayeen ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta dembiyada loo qabsado ama sharciga ku gefta sidaa darteedna loo baahan yahay in natiijada doodaasi kasoo baxday noqoto mid wax u taraysa muwaadinka caddaladdiisa iyo ilaalinta sharciga dalka .
Prof. Amiin Sh,Siciid Jaamacadda Camuudna cilmiga sharciga iyo qaanuunka ka dhiga oo isna halkaasi ka hadlay ujeedada laga leeyahay wada shaqaynta Legal clininyada oo uu ku tilmaamay inay tahay iskaashi lagu ilaalinayo caddaladda muwaadinka iyo sharciga dalka iyo xuquuda muwaadinku u leeyahay inuu helo qareen ka daafaca dembiyada loo haysto haddii aanu waxba haysanna laga bixiyo isagoo dhinaca kelena sheegay ayaa sheegay in doodani tahay tii labaad ee ay iskaga hor yimaaddaan ama ay meel soo wada fadhiistaan hay’adaha dawladda ee ku qaabilsan dhinaca cadaaladda amniga iyo garsoorku iyo kuwa madaniga ah ee ku hawllan horumarinta caddaladda muwaadinka sidaa darteedna loo wada hawlkgalo sidii mujtamaca madaniga ah ama rayidka iyo laamaha dawladdu uga wada faa’iideysan lahaayeen .
Hormoodka Kulliyadda shareecada iyo qaanuunka ayaa sidoo kale hay’adaha dawladda ku dhiirrigeliyey inaysan sharciga u Amiin Sh.Xasan ayaa sidoo kale u sheegay ka qayabgeleyaasha in marka hore ay caddalad helaan dadka laga tirada badan yahay ama la takooro iyo kuwasoo barakacay kuwaasoo cabsi badan ka qaba ciidamadaiyo iyo maxkamadaha dalka .
Saajin C/laahi Jaamac iyo Xasan Cali Xasan kana mid ah ururada ka shaqeeya dhinaca cadaaladda ayaa iyaguna ka warbixiyey sida loogu baahan yahay in dadweynuhu wax ka ogaadaan arrimaha caddaladda ,iyo dembiyada loo qabsan karo iyagoo dhinaca kalena xuquudooda dhinaca caddaladda u madaxbannan yihiin caddaladuna ahayn mid ku jirta gacanta askariga iyo xaakimka oo keliya .
Munaasabaddan ayaa sidoo kale waxa iyaguna ka hadlay xubno ka tirsan dadka laga tirada badan yahay iyo hoggaamiye dhaqameedyo kuwaasoo ka hadlay waxyaalaha soo maray ee ku saabsan dhinaca caddaladda iyo gefefka sharci ee ku dhacay haweenka iyo dadka an lahayn itaalka dhaqaale iyo sida loogu baahan yahay in taakuleyn la siiyo dadkaasi lagana taageero sidii ay caddalad u heli lahaayeen haddii dembiyo loo qabsado ama loo xidho.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Dood Ku Saabsan Xoojinta Xidhiidhka Laamaha Sharci Fulinta G/Awdal Iyo Kuwa Ka Shaqeeya Caddaaladda Bulshada Oo Boorama Lagu Soo Gebogebeeyey "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback