Soomaalidaa tidhaa waagii beryaaba waayo leh, jimcihii aan soo dhaafnay ayaa reer Somaliland iyo guud ahaanba caalamka islaanka waxa u bilowday sannadka cusub e Hijriyada ,jimcaha soo socdana la filayo inuu guud ahaanba dunida u bilowda sannadka cusub ee masiixiyada iyadoo haatan ay dhammaan dalalka haysta diinta masiixigu ku jiraan ciidoodii ama fasaxyadoodii.
Haddaba markaan dib u eegno waxyaalaha Somaliland soo martay iyo halka maanta ama berrito oo 2009 dhammanayo aan taagannahay .2009, ayaa Somaliland qaybo ka mid ah u ahaa sannad ay guulo horumar iyo barwaaqaba gaadheen halka qayb kalena ay taabteen duruufaha caalamka ka jira kuwa ugu xun marka laga eego dhinaca nolosha, caafimaadka iyo horumarka
Sidoo kale ayaa Somaliland 2009 soo martay marxalad siyaasadeed tii ugu adkayd ee abid soo waajahda tan iyo markii xornimadeeda dib ulasoo noqotay 1991kii, Sidoo kale ayaa dawladda Somaliland ,ee uu hoggaamiyo madaxweyne Rayyaale uu sannadkaasi u ahaa sannad belaayo isla markaana ahaa tijaabadii ugu horreysay ee xisbiyada mucaaradka iyo G/wakiilada iyo G/guurtidu isugu tegaan sidii xukuumaddaasi loo tusi lahaa itaalka shacbiga ay sanadaha badan ku xukumaysay cadaadis iyo cabsigelin .2009 ayaa sidoo kale xukuumadda Rayaale u ahaa sannad barwaaqo oo ay kordhiyeen iibka dhismayaasha danta Guud, cashuuro kordhin u hirgashay iyo adhigii oo loo furay suuqyada dunida gaar ahaanna Sucuudiga ,iyo ugu dambayntii dhul ku yaalla jasiiradda Saacaddiin oo lagu wareejiyey siday dawladdu sheegtay ganacsade halkaa ka samayn doona mashaariic aan la ogeyn isla markaana la tuhunsan yahay in ganmacsadahaasi laga qaatay lacag an xaddigeeda la ogeyn, balse muran badani ka taagan yahay wareejinteeda jasiiraddaasi.
Sidoo kale ayaa dhinaca siyaasadda Somaliland kasoo martay marxalad adag oo khalkhal dhinaca nabadeglyada ahi ku dhici balse caalamkoo danaynaya inay Somaliland nabad ahaato ay qalalaasaha uga soo gurmadeen dibna isugu soo celiyeen dawladdii iyo shacbigii ku kala tegi gaadhay arrimaha doorashooyinka qabsoomi la’.Sannadka 2009 ayaa sidoo kale Somaliland u ahaa sannad kale oo cadho iyo ciilba ugu dhammaday xisbiyada mucaaradka ah kaddib markii muddo kordhin aan xad lahayn g/guurtidu u sameeyeen madaxweyne iyo kuxoigeenkiisa taasina ay jaahwareer kale sii gelisay wakhtiga doorashooyinku qabsoomi karayaan.
Sidooa kale ayaa sannadkan dhammaaday ayaa la sameeyey komishan doorashooyin aan wakhtigooda la ogeyn Somaliland ka hirgeliya iyadoo komishankii horena sannadkaasi u ahaa sannad guuldarro kaddib markii kaba la’aan laga saaray xafiiska komishanka qaranka Somaliland.
Sidoo kale ayaa Somaliland 2009 u ahaa sannad kale oo reer Somaliland ay ka geeriyoodeen siyaasiyiin caan ku ahaa dhinaca mucaaradka , dhinaca muxaafidkaba, wasiirro iyo safiirro uu ugu dambeeyey marxuum Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe oo laba casho ka hor ku geeriyooday magaalada Paris ee dalka Faransiiska .allaha u naxariisato intiika dhimatay Somaliland .
Sidoo kale ayaa Somaliland sannadkani ka badbaadday qaraxyo ismiidaamin ah oo sidii sannadkii hore gilgila dalka .dhinaca diblomaasiyadda Somaliland sannadkaasi wax guul ah kama gaadhin marka laga reebo shirguddoonka wakiilada oo dalka keenay guddoomiye ku xigeenbka baarlamaanka Kiiniya Faarax macallin oo laba ama saddex casho ka hor dalka ka ambabaxay Inkastoo maamulgoboleedka Puntland arrinta faarax macallin ka cadhootay waxay Somaliland dawladdeeda u tahay guul dhinaca siyaasadda oo ay kusoo gunaanadday 2009ka.hase yeeshee dhinaca kale waxa sannadkaasi dhammaaday reer Awdal u ahaa mid ka mid ah sannadihii ugu xumaa ee weli kasoo mara xukuumadda Rayaale isla markaana aanay calfan dedaalkii , qabyaaladii iyo gobolaysigii ay ugu eexdeen hogaamiyaha Somaliland ee maanta Daahir Rayaale isagoo sidoo kale sannadkaasi ahaa sannadkii ugu kala qaybsanaanta badnaayeen marka loo eego beelihii wadajirka ugu hiiliyey xukuumadda maanta dalka ka jirta waana sannadka ku dhawaad 500 oo dhallinyaro reer awdal ahi gobolka uga tahriibeen mustaqbal la’aan , tahriibtaasina ay kaga dhinteen tiro dhallinyaro ah halka kuwa kalena ku xidhxidhan yihiin dalalka ay isla haayeen ka tahriiba .
Ugu dambayntiina sannadka 2009 ayaa reer Somaliland badi ugu dhammanaya horumar la’aan, dareen ka dhan ah xukuumadda, cidhiidhina gelin kara dedggenaanshaha, iyadoo dhinaca kalena mashaakilka huursan ee ka taagan dhinaca degaanka iyo siyaasadda oo aan la saadaalin karin natiijooyinkeeda , sida Ceelberdaale, hogaamaiyayaasha mucaaradka ah oo dalka ka maqan iyo xukuumadda oo furtay xabsigii weynaa ee Hargeysa siina badinaysa saldhigyada booliska iyo guddiyada xaafadaha .
Hadii aan u leexannao dhinaca sannadka cusub ee jimcaha innagu soo beegan u bilaambi doona Somaliland ayaa la odhan karaa waa sannad kale moo reer Somaliland gelin karaya qalallaase siyaasadeed, mid nabadgelyo iyo kuwa kaleba .marka la eego xaaladda taagan ee aan dhinac loo kaco lahayn, cadhada ku gaamurtaya xisbiyada mucaaradka iyo kibirka xukuumadda Somaliland ee dhinaca mucaaradka ayaa cid kastaa garan kartaa in sannadka soo socda aan reer Somaliland ka hadhsan doonin arrimaha siyaasadda haddii ay doorashooyin dhacaan iyo haddii ay dhici waayaanba .
Sidoo kale ayaa sannadka 2010, lagu tilmaami karaa sannad kale oo Somaliland khatari kaga iman karto dhinacyada argagixisada, balse ilaahay uuni ogyahay siday iskaga caabiyi karaan, maadaama sida la sheegeyo xubin kasta oo ka tirsan Al Shabaab ama Xisbul Islaam ama Alqaacida loo diray goboladii ay asal ahaan kasoo jeedeen ka hawlgalaan, xamarna ka hawlgalaan inta reer xamarka ahi .
Sidoo kale ayaa sannadkani reer Awdal iyo Rayaale ugu dhammaan doonaa muranka jasiiradda Saacaddiin oo ay reer Awdal u haystaan inuu dhulkaasi dawladdisu ka iibisay dalka Jabuuti, salaadiin iyo madaxdhaqameedyo kasoo jeeda gobolka Awdalna halkaasi dawladu kaasoo saartay halkaasi.
Si kastaba ha ahaatee sannadka 2010 ayaa noqon kara mid reer Somaliland uga wanaagsanaa karaya ama kaga xumaan karaya sannado badan oo ay soo mareen, lana fili karo in wax aan dhicin tobansano kudhawaad lasoo dhaafay dhacaan kuwaasoo laga yaabo inay salka ku hayn karaan arrimaha doorashooyinka iyo meelo kale oo aan wax laga eegeyn
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " 2009 Muxuu Ugu Dhamaan Doonaa Reer Somaliland, 2010se Muxuu Ugu Bilaaban Doonaa ? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback