Wasaarada Ganacsiga ayaa Bixisay Liisamada, Waxana Suuqii Ganacsiga Milixda iyo Noloshaba Ka sii Baxaya 600 Qoys oo…….. Md. Maayarka Saylac
Boorama-(Lug)-Duqa Dagmada Saylac Md. Maxamad Cawad ayaa manta uga waramay Saxaafada cabashooyin isa soo taraya oo ku wajahan ganacsatadii degaamada Toqoshi ee Milixda laga qodo oo suuqa ka sii baxaya kadib markii ay xukuumadu u ogolaatay ganacsato kale in ay milixda ka keenaan Yaman.
Duqu waxa uu isaga oo ka hadlaya arimahan uu yidhi “ Waxa jirta waxa maalmahan dambe cabashooyin noo soo gudbiyay dadka ku nool degaaanka toqoshi ee milixda laga qodo waxana ay ka cabanayaan in milixdii ay soo saari jireen uu suuqeedii xumaaday kadib markii la ogolaaday in ay ganacsato kale ka keenaan milixda dalka Yaman isla markaana ay ka soodajiyaan Berbera. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi dhibaato ayay tani ku noqotay dadkii degaanka oo ahaa kuwo ku tirsan ceelasha milixda ah ee ay leeyihiin, waxa kale oo uu yidhi “ waxa aan cabasho hore u gudbinay maamulka wasaarada Arimaha gudaha walina arintii waxba lagama qaban”.
Duqu mar uu ka waramayay cida bixisay liisanada ganacsatada kale ee dalka keenta milixda ayaa waxa uu yidhi “ kolay waa wasaarada Ganacsiga ma jirto cid dalka keenta Badeeco aanan iyada soo marin, waxana aan leenahay arintan dib uga noqda oo dadka u tudha.
Waxa kale oo uu Duqu fariintan u gudbiyay Madaxwaynaha Dalka waxana uu ka codsaday in arimahaasi wax laga qabto.
Toqoshi oo ah magaalo dhawr iyo toban KM u jirta magaalada Saylac ayaa can ku ah ceelasha milixda laga qodo, waxana dagan dad lagu qiyaasay 600 oo qoys oo ku tiirsan waxsoo saarka milixda, waxa kale oo mishiiba lagu qiyaasaa milixda ka soo baxda Toqoshi 25-30kun oo kiintaal oo milix ah.
Qiimaha milixda Toqoshi oo ahaan jiray awal 15-18kun oo shilin kiisbii ayaa hoos u dhacay maalmahan dambe, waxana uu suuqyada ka marayaa in ka yar 10kun hadiiba la helo.
Cabashadan manta ay soo jeediyeen maamulka Saylac ayaa waxa iyaguna ku wehelinayay maamul degaaneedka Toqoshi iyo masuuliyiinta ceelasha milixda laga qoto qaarkood.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Maamulka Saylac oo Ku Eedeeyay Xukuumada Inay Cunaha Qabatay Milix-qoteyaashii Degaanka Toqoshi "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback