wasiir-ciro-iyo-wasiir-waabari.JPGSaylac-(Lug)Wasiirka Arimaha Gudaha ee Soamlinad Cabdilaahi Ismaaciil Ciro iyo Wasiirka Dalxiis ee isla Somaliland Cabdirisaaq Waabari Rooble ayaa goor dhowayd oo fiidkii
 ahayd gaadhay magaalada Saylac, Wasiiradan ayaa loo badinayaa in ujeedada Safarkoodu tahay Kormeerkii caadiga ahaa ee ay wasiiradu ugu koor galayayeen xaalada degmooyinka iyo Gobolada Dalka.

Waxa jira ilo xog ogaal ah ooay la xidhiidhay shabakada wararka ee Lughayanews oo kusugan Gudaha Magaalooyinka Saylac iyo Lawyacado kuwaasi oo faahfaahin intaas ka badan ka bixinaya ujeedada wasiiradan, waxana ay sheegayaan in ay maalinta bari ah suurto gal tahay in labadan wasiir ay la kulmaan wasiiro dhigooda ah oo reer Djabouti ah kulankaasina uu ka dhaco carada Somaliland.

Ilaa hada ma cada waxa ay ka wada hadli doonaan masuuliyiintan la saadaalinayo inay bari kulmaan noomana suurto galinin maamulka Salal iyo Kan Saylac labaduba ay faahfaahin ka bixiyaan kulanka wararkaasi

Lughayanews-Saylac