Borama-(Lug)-Xisbiga Kulmiye ayaa cambaareeyey xadhiga masuuliyiinta gobolka Awdal kula kaceen xubno ka tirsan xisbigaasi iyo taasgeerayaashiisaba, kuna tilmaamay  falal ka dhan  dimuqraadiyadda iyo nabadelyada .

Warsaxaafadeedkan oo xisbiga  Kulmiye kasoo saaray Boorama uuna ku saxeexan yahay Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee G/Awdal Ibraahim Aadan Qaalib ayaa u qornaa sidan :

“Maamulka  sare ee xisbiga Kulmiye  ee G/Awdal  waxa uu cambaareynayaa  xadhigga sharcidarada ah ee lagula kacay Cheif Caaqil Muuse Xuseen Faatax  (Saxane) oo labadii maalmood ee dambaysayba ku xidhnaa  saldhigga dhexe ee Magaalada Boorama saakana loo gudbiyey maxkamadaha gobolka Awdal iyo tan Boorama iyadoo aanay jirin haba yaraate wax dembi ah oo lagu helay ama lagu cadeeyey .Kaddib waxa dhacday in Guddoomiyaha maamulka gobolka Awdal oo isticmaalaya awoodo  ka baxsan sharciga  uu amar ku bixiyey in xabsiga dhexe ee Boorama loo diro, taasoo ka tarjumaysa cadaadiska gaar ahaaneed  ee Guddoomiyaha gobolku ku hayo  xubnaha ka tirsan xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashiisa isla markaana anu maamulka gobolka xisbiga Kulmiye u aqoonsanayn xisbi qaran.Cadaadiska iyo xadhigga  sharcidarada ah ee maamulka gobolka la bartay taageerayaasha iyo xubnaha ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa lagu caddayn karayaa xadhigga laba maalmood ka hor isna loo geystay mid ka mid ah xubnaha xisbiga Kulmiye magacaiisana la yidhaa C/qaadir  Aadan Yuusuf oo isna ku jira xabsiga dhexe   ee Boorama.

C/qaadir Aadan Yuusuf oo dhawaanta kusoo biiray xisbiga Kulmiye  ayaa isna  lagi xidhay fikirkiisa siyaasiga ah  oo uu ka dhiibtay xaaladda dalka, Annagoo guud ahaanna arrimahaasi u aragna kuwa looga dan leeyahay khalkhalgelinta amniga .Sidaa darteed waan hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye  ku wargelinaynaa  in si degdeg ah looga hawlgalo taageerayaasha lagu xidhxidhayo gobolada kala duwan ee dalka  iyagoo aan gelin wax dembi ah kuwa haatan xidhan  oo kala ah Cheif Caaqil  Muuse xuseen Faatax iyo C/qaadir  Aadan Yuusuf  loosoo celiyo xorriyaddooda .”

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama