Waxa ku kulmay 2 wasiir oo Somaliland Ah 4 Wasiir oo Djiboiti oo uu weheliyo Gud. Baarlamaanka Djibouti Waxaanay ka Wada Hadleen Caleemo Saarka Ugaaska iyo Arimo Kale oo Amniga iyo Budhcad Badeeda Quseeya”
Boorama-(Lug)-Wasiiradii ka socday Somaliland eek ala ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdilaahi Ismaaciil Ciro iyo Wasiirka Dalxiiska ee Somaliland Cabdirisaaq Waabari Rooble ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay wafuud dalka timaada kuna shirta meelka baxsan caasimada Hargaysa tii ugu Cuslayd oo ka timid dhinaca Djibouti.
Wafdigan ka yimid Dhinac Djibouti oo kala ahaa Gud. Baarlamaanka Mud. Idiris Arna’ud Ali, Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Wasiirka Cadaalada, iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Badaha.
Wasiirka dalxiiska Somaliland Mud. Cabdirisaaq Waabari oo Shabakada wararka ee Lughayanews la soo xidhiidhay ayaa u sheegay waxyaabihii ay ka wada hadleen wufuudaas calculus eek u shirtay maanta Saylac waxana uu yidhi “ waxa laga wada hadlay iskaashiga dhinaca amniga gudaha ee labada dal, waxa laga wada hadlay siiwanaajinta xidhiidhka labada dal iyo sidii iskaashi midaysan looga yeelan lahaa la dagaalanka budhcad-badeeda xeebaha Somalia ka qawlaysata.
Mar ay shabakadu wax ka waydiisay in ay jiraan wax kale oo laga wada hadlay ayaa waxa uu Wasiir Waabari yidhi waxa aan ka wada hadalnay sidii loogu sii gogol xaadhi lahaa caleemosaarka ugaaska beesha Ciise oo lagu wado in uu ka dhaco Saylac. Wasiir waabari waxa kale oo uu sheegay in dib loo riixay caleemo saarka ugaaska balse ma sheegin waqti go’an oo dib loogu riixay waxana uu yidhi “ dabayaaqada bisha February ama Horaanta bisha March ayaa laga yaabaa inay qabsoonto.
Waxa isaguna dhankiisa kala soo xidhiidhay shabakada wararka ee Lugahayanews Maayarka Saylac Mud. Cawad waxana uu sheegay in kulankii laba geesoodka ahaa ee maanta qabsoomay uu u dhamaaday jawi aad u heer sareerya. Mar ay Lughayanews Maayarka wax ka waydiisay waxa laga wada hadlay ee gobolka Salal Anfacaya ayaa waxa uu yidhi “ waxa la isla soo qaaday sidii ay Xukuumada Djibouti u daactiri lahayd Ceelkii biyaha ee Ceel-gaal oo mudo Cadilnaa, iyo sidii loo sii dhamaystiri lahaa wadada isku xidha Aashacado Saylac iyo Lawyacado oo ay hore u balan qaaday xukuumada Djibouti.
Wasiiradadan ayaa waxa laga yaabaa inay ku sugnaadaan Saylac mudo aan cayinayn oo u dhaxayn karta 2 ilaa 3 cisho
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Kulan Laba Geesood Ah Oo Wasiiro Ka Kala Socda Djibouti Iyo Somalinad Ku Yeesheen Saylac "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback