Welcome to Al-xayaat Hosbital Boorama…Way dhamaatay in dadka reer Somaliland ay caafimaad u aadaan Adis-ababa………..Badhasaabka Awdal”
Boorama-(Lug)-Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay xarunta Cisbitaalka Alxayaat ee Boorama ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka caafimaadka ee Somaliland, Badhasaabka Gobolka Maamulka Jaamacadda Camuud, Hormuudada kuliyadaha Jaamacadda Camuud, Saraakiil ka tirsan Hayada Amoud Foundation oo ka yimid waqooyiga America, Gudoomiyaha waxabarashada Gobolka Awdal, Hormuudka kuliyada Caafimaadka e Jaamacadda Hargaysa, Masuuliyiinta Caafimaadka Gobolka, Salaadiin, Aqoonyahano Dhaqaatiirta Kijaabi Hospital Nairobi iyo dadwayne kale oo aad u tiro badan.
Badhsaabka gobolka Awdal Mud. Maxamuud Sh. Cabdililaahi Cige oo munaasabadan ka hadlay ayaa u mahad naqay Amoud Foundation, Dhakhaatiirka gobolka iyo Maamulka Jaamacadda Camuud, Badhasaabku waxa uu sheegay in caafimaadku uu yahay halbowlaha bulsho leedahay, waxana uu ku tilmaamay caafimaadka gobolka Awdal mid hana qaaday. Mar uu ka waramayay cisbitaalkan Alxayaat ee cusub ayaa waxa uu yidhi ” Welcome yo Al-Xayaal ayaan leenahay dhamaan reer Somaliland way dhamaatay waqtigii la tagi jiray Adisababa Caafimaad ahaan” waxana uu aad ugu mahad naqay caafimaadka Awdal inta ka shaqaysay.
Wasiirka wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Cabdi Haybe Maxamed oo munaasibadan kahadlay ayaa isaguna ku dheeray qaabka ay dadka reer Awdal u maareeyeen caafimaadka waxana uu xusay in ay hogaan ku dayasho mudan u noqdeen dalka oo dhan, wasiirku waxa uu tusaalayaal u soo qaatay ardayda ka qalinjabisay jaamacadda Camuud kuliyadeeda Caafimaadka ee ka hawlgasha magaalada Ceerigaabo. Waxana uu aad ugu amaanay sida ay hayada Amoud Foundation xilka isaga saartay dhismaha cisbitaalkan.
Xaaji Axmed Miisaan Aare oo ku hadlayay magaca cuqaasha reer Awdal ayaa ku tilmaamay cisbitaalkan Alxayaat mid faa’iido soo galinaya bulshada reer Somaliland waxxana uu aad ugu mahadnaqay Amoud Foundation isaga oo u tilmaamay jiilka soo koraya in looga baahan yahay in ay dadaal xoogan u galaan sidii dhaqtarkan ay u ilaashan lahaayeen.
Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed ayaa waxa uu isaguna tilmaamay in Jaamacadda Camuud ay aad ugu faraxsan in ay Amoud Foundation la noqdaan mataano, waxana uu sheegay in ay xilwayn iska saari doonaan ilaalinta cisbitaalkan waxana uu xusay in ay masuuliyad saran tahay in cisbitaalkan looga faadiiyo bulshada.
Gudoomiyaha hayada Amoud foundation Maxamudu Faarax Cigaal oo madashan ka jeediyay hadal taariikhi ah ayaa ka waramay halkii ay ka soo unkantay fikradihii lagu hindisay dhismaha dhaqtarkan iyo waliba meesha ay ka timid lacagta tirade badan ee lagu dhisay dhaqtarkan alxayaat, waxana uu yidhi ” Anagu dhamaantayo waxa aan ka nimid waqooyiga America Boorama daaro kamaanaan jeexan waxana aan dadaalkayaga oo dhan isugu keenay in umadayada aan u dhisno meel laga faa’iidaysto oo noqotay halkan Alxayaat, waxa aan ka keenay lacagta ku baxday waqooyiga Ameerica oo aan qaadhaan ka soo ururinay dhamaan inta muslimka ah eeku nool oo aan u kala hadhin”. Mud. Cigaal waxa kale oo uu ku dardaarmay in xilkii maanta isaga iyo saaxiibadii uu ku wareegay oo uu dulfoolay bulshada Awdal ku dhaqan oo ay jaamacadda Camuud u wakiisheen, waxana uu ku dardaaray in laga wada qayb qaato ilaalintiisa.
Hormuudka kuliyada Caaafimaadka ee Jaamacadda Camuud Dr. Siciid Axmed Walhad oo isaguna ka hadlay madashan ayaa xusay in cisbitaalkani wax wayn ka tari doono baahida caafimaadka ee ka jirta gayigan waxana uu ku dheeraaday in ay lagama maarmaan tahay sidii ay qurbojooga kale ee Awdal iyoSalal uga wada qayb qaadan lahaayeen hormarka dhinaca Caafimaadka ah ee socda. Waxa kale oo uu xusay in dhaqtarkani uu qayb wayn ka qaadan doono tayanta ardayda caafimaadka baranaysa ee kuliyada Caafimaadka ee Jaamacadda Camuud.
Madashan ayaa waxa uu gudoomiyaha Hayada Amoud Foundation ugu wareejiyay furayaashii dhaqtarka gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan oo ku sii wareejiyay hormuudka Kuliya Caafimaadka ee Jaamacadda Camuud Dr. Siciid Axmed Walhad, waxana isla mardashaas ay Jaamacadda camuud ku gudoonsiisay shahaado sharafyo ka marag kacaya waxqabadka ay gaysteen 6 xubnood oo ka tirsan Amoud Foundation oo kala ah Marwo: Xaliimo Jaamac Hadi, Mud.Cali Guray Nuur, Mud.Yusuf Adan Qaalib, Mud.Maxamuud Faarax Cigaal, Mud Bashiir Rabiile iyo Mud.Cabdi Daahir.
Waxa kale oo isla madashii maanta xadhig a lagaga jaray 3 qaybood oo kamid ah qaybaha Dhaqtarkan Alxayaat kuwaasi oo ay xadhiga ka jareen Wasiirka Caafimaadka, Sul. Ibaraahim Jaamac Samatar iyo Xaaji Axmed Miisaan Aare.
Cisbitaalkan oo dhismihiisu uu qaatay mudo ka badan sanad ayaa waxa lagu wadaa inuu noqdo dhaqtar caalami ah oo wax walba laga helo isla markaana waxa ku baxday lacag ka badan hal milyan iyo todoba boqol oo doolar.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Cisbitaalka Al-Xayaat Oo Maanta Ay Amoud Foundation Ku Wareejisay Jaamacada Camuud "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback