Boorama-(Lug)-MCH-ka xaafada Sh. Cali Jawhar ee magaalada Boorama ayaa maanta la gudoonsiiyay abaalmarinta hanaan wanaaga goobaha caafimaadka ee degmada Boorama ee bishii December ee ina dhaaftay, abaalmarintan oo bishiiba mar la qabto ayaa waxa loogu talo galay in lagu dhiiri galiyo shaqaalaha goobaha caafimaadka ee degmada Boorama waxana bixinta abaalmarantan iska kaashada Wasaarada Caafimaadka iyo Hayada Coopi oo dhinaca caafimaadka ka taagaarta wasaarada Caafimaadka ee gobolka Awdal.
Munaasabadii maanta lagu gudoonsiiyay oo ka dhacday xarunta wasaarada caafimaadka ee gobolka Awdal ayaa waxa ka qayb galay saraakiil ka kala socota wasaarda caafimaadka ee heer gobol iyo hayada Coopi, waxana isuduwaha wasaarada caafimaadka ee gobolka Awdal cabdilaahi Muuse Yoonis oo ku dhawaaqay cida bishii December guulaysay uu yidhi ” waxa ku guulaystay MCH-ka Sh. Cismaan oo kaalinta koowaad ah, MCH-ka Sh. Cismaan oo kaalinta labaad ah iyoMCH-ka Idhanka oo kaalinta sedexaad galay” waxana uu halkaasi ku gudoonsiiyay shahaadooyin iyo lacag dhan 400 oo doolar.
Saraakiil ka socotay hayada Coopi oo kala ah Cabdirashiid Axmed Guuleed iyo Gabadh kale oo ajaanib ah oo hadalka isaga dambeeyay ayaa waxa ay carabaabeen in abaalmarintani ay qiime wayn ugu fadhido dhiiri galinta goobaha caaafimaadka ee degmada Boorama, waxana ay sheegeen in abaalmarinta bishii dhamaatay ee maanta la gudoonsiiyay MCH-ka Sh. Cali Jawhar ay tahay midi ugu dambaysay ee ay bixiso hayada Coopi isla markaana ay intaas ku eg tahay mudadii 6da bilood ahayd ee ay la shaqaynayeen caafimadka gobolka Awdal.
Madaxa Caafimaadka Asaasiga ah ee gobolka Awdal Maxamed Cumar X. Yaabe ooo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa ku dardaaray masuuliyiinta MCH-yada iyo goobaha kale ee caafimaadka ee degmada inay sii dardar galiyaan hawlahooda caafimaad isla markaana loo baahan yahay in la joogteeyo hawsha lo hayo bulshad iyada oo hayada Coopi meesha ka maqan tahay.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " MCH-ka Sh. Cali Jawhar Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Bisha December 2009 ee Qiimaynta Goobaha Caafimaadka Degmada Boorama "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback