dsc00367.JPGBoorama-(Lug)-Ururka  Hormarinta iyo Wacyigalinta Bulshada Soamaliland ayaa maanta soo agaasimay kulan aad u balaadhan oo lagu gorfaynayay arimaha tahriibta iyo sidii bulshada looga wacyigalin lahaa, kulankan oo ka dhacay maanta xarunta ururada Moonlight /SAYS ee  ayaa waxa ka soo qayb galay xoghayaha gobolka Awdal, Odayaal Culamaa’udiin, madaxda ururada wadaniga ah ee SAYS iyo AYODA,dhalinyaro iyo waalidiin kale.

dsc00367.JPG

Ugu horayntii  gudoomiyaha ururkan SAPAD Mud. Sadaam ayaa ka hadlay ahmiyada kulankan waxana uu sheegay in aan la iska indho tiri Karin sida ay tahriibtu u saamaysay bulshada reer Boorama gaar ahaan dhalinyarada, waxa uu xusay in dulucda kulankani ay tahay bal in laga arinsado meesha ay dhibaatada tahriibtu ka imanayso isla markaana loo gogol xaadho sidii mustaqbalka loo baajin lahaa tahriibta maalinba maalinta ka dambaysa soo kordhaysa ee dhalinta reer Boorama haysata.

Gudoomiye Sadaam mar uu la hadlayay dhalintii kulankan ka soo qayb galshay ayaa waxa uu xusay in loo baahan yahay isla markaana waajib balaadhan la iska saaro sidii loo gaadhsiin lahaa bulshada inteeda kale qaabka ay tahriibtu u saamaysay bulshada isla markaana loo tilmaamo dhalinta tahriibaysa fursadaha hor yaala ee ay kaga faa’iidaysanayaan  dalkooda.

Xoghaya gobolka Awdal Cabdilaahi Xuseen Aare oo isaguna ka hadlay kulankan ayaa xusay in kulamada noocan oo kale ahi ay ahmiyad wayn u leeyihiin bulshada iyo qaabka ugu haboon lee looga baajinayo dhalinta qasaaraha muuqda ee tahrriibta. Waxana uu xoghayuhu u mahad naqay ururka SAPAD oo uu tilmaamay in uu talaabo geesinimo leh oo loo baahnaa qaaday.

dsc00371.JPG

Sh. Axmed Hoori oo isaguna ka hadlay kulankan dooda ahaa ayaa waxa uu xusay in aanay diinta islaamku ogolayn in nafta la halaago, waxa uu sheegay in dhalinta maantu ay yihiin kuwo wax bartay loona baahan yahay in culuunta ay barteen ay naftooda ku anfacaan oo si qoto dheer ay uga faaloodaan mawduucyada quseeya tahriibta . Sheex Axmed Hoori waxa uu xusay in urukan SAPAD uu maanta qaaday talaabo loo baahnaa loona baahan yahay in bulshada inteeda kale la gaadhsiiyo xaalada tahriibta gaar ahaan waalidiinta dhalinta oo uu xusay in looga baahan yahay inay habeen iyo maalin ka wacyi galiyaan wiilasha  iyo hablaha ay dhaleen tahriibta.

Agaasimayaasha ururad SAYS Nuur Aadan Shirdoon iyo AYODA Siyaad Cumar Cali oo iyaguna madashan ka hadlay ayaa xusay in dhibaatada tahriibtu aanay ahaynmid imika bilaabatay balse ay tahay mid mudo dheer soo jiitamaysa isla markaana ay ururada dhalinyarada ah ee jiraa yihiin kuwa ugu badan ee inta badan ka hadla, waxa yaad ugu mahad celiyeen ururka SAPAD oo ay ku tilmaameen inuu maanta isku keenay kooxo dhaliyaro waalidiin iyo culamo ah oo iyagu gaadhsiin kara bulshad wixii loo baahnaa ee ahaa in laga wacyi galiyo tahriibta iyo qasaaraheeda.

Kulankan oo intii uu socday u badnaa doodo cilmiyaysan iyo aqoon iswaydaarsi ayaa lagu gorfeeyay in dhalinta ugu badan ee tahriibtaa ay sabab uga dhigaan tahriibtooda shaqa la’aanta dalka ka jirta iyo ku dayashada saaxiibadoodii hore u tahriibay. Waxa kale oo la xusay in loo baahan yahay in dhalinta la xusuusiyo in dalkooda hooyo uu  yahay mid dihin oo khayraad dhex ceegaago loona baahan yahay in loo fikoro.

Kulankan oo u dhamaaday sidii loogu talo galay ayaa waxa laga soo baxay isaga oo loo balamay in fariimaha maanta la is waydaarsaday la gaadhsiiyo dhalinta kale, waalidiinta, xilsidayaasha kale ee bulshada iyo xukuumadaba isla markaana loo wada guntado sidii loo baajin lahaa arimaha tahriibta. Waxana la xusi karaa inuu kulankan ay soo qaban qaabiyeen Ururka Hormarinta iyoWacyigalinta Bulshada reer Somaliland uu ku soo beegmay waqti ay tahriibtu aad u saamaysay bulshad reer Awdal gaar ahaan reer
Boorama.

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama