Baki-(Lug)-iyada oo xaalada abaaraha ee ka taagan degaanka baki ay tahay mida ugu daran ee ilaa hada jirta ayaa waxa soo baxaya warar sheegaya in magaalada Baki ay ku soo qulqulayaan dad badan oo barakacayaal ah
oo ka kala yimid degaanada, Kaxda, Calixaydh, Xamarta, Siimoodi iyo dagaane kale.
Maayarka Magalada Baki Bare Jaamac Yuusuf oo la soo xidhiidhay Lugahaynews ayaa u xaqiijiyay inay soo gaadheen ilaa hada dadka barakacayaasha ah intoodii u horaysay waxana uu ku tilmaamay xaalada sidan” 300 oo qoys oo caruur dumar iyo dad waawayn ah ayaa soo gaadhay Baki, wax ay dadkani ka jimaadeendegaano baahsan oo degmada ah oo ay abaaro mudo ka jireen, dadkan xoolohoodii way dhamaadeen mana wataan wax ay hu’ ka dhigtaan, mana yaqaanaan meel ay ku socdaan, waxa ay ku soo urureen oo kaliya magaalooyinka”.
Maayar Bare waxa kale oo uu ka dayriyay xaalada gurmadka dadkaasi u baahan yihiin waxana uu yidhi ” waxa aan qaylo dhaan u dirnay dal iyo dibadba, wali ma hayno wax ka soo jawaabay, wax waliba waa gaabis ilaa hadaanaguna ma hayno wax aan ku quudino ama waxa an dhaxanta ka siino.
Maayarku mar kale ayaa waxa uu ku celiyay in qaylo dhaan abaareed oo degaankaas ka jirta la isgaadhsiiyo isla markaana lala soo gaadho dadka degaanadaasi gurmada ad u balaadhan.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Baki


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Baki: 300 Oo Qoys Ku Soo Barakacay Magaalda Walina Aan Helin Wax Gargaar Ah "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback