Borama-(Lug)-Wax lala yaabo maaha dalka kasta ama dawlad kasta oo caalamka ka jirta oo ay bataan goldaloolooyinkeedu, dhaliilahooda, wax qabad la;aanateedu iyo cadaawadda ay u hayso shacbiga ku hoos nool maamulkooda .

Sidaasoo kale ayaa Somaliland ka mid tahay dalalka geeska Africa ee nabadgelyada , horumarka , barwaaqada iyo rajooyinka fiican dadkeedu ku naaloonayey tan iyo markii jabhaddii SNM xukunka ka qabsatay taliskii Siyaad Barre  bal maanta hoos ugasii dhacaya halkii ay joogeen sideetameeyadii.wax la dhiso oo la qabto iska daaye waxa maalin walba l;a xaraashayaa dhaxalkii ka hadhay xukuumadihii  soomaaliya mana muuqato weji kale oo aan ahayn in dalkani kusii socdo god  dheer oo aan la ogeyn  si ay ugasoo bixi doonaan marka shacbigani ku dhacaan .

Waxan la yaabaa kuwa yidhaa dalkan maxaa wax loogu qaban waayey  ee aan ogeyn in taliska maanta joogaa ku hindisayo  waxyaalo kale  oo aan dhiirrigelinayn rajada shacbigu doonayo .

Haddaba marka talis noocan oo kala ahi ku heshiiyey inuu dadweynaheeda iyo siyaasiuyyiinteeda ku maamulo qqori caaradii.xadhig ,cagajuglayn kala qaybin iyo cunaqabatayn dhaqaale , waxa marka dambe nacaybka shacbigu isku roogaa nacayb dhex mara dawladda lafteeda oo kala shakida mid kastaana kan kale u arko cadow ay isku dawlad yihiin .Khilaafyada hoose ee ka dhex taagan masuuliyiinta dalka  ayaa ku salaysan sidii mid kastaaba meesha uu uga saari lahaa kana ka sarreeya, isla mrkaana maamulka sare loo kala xijisaysan lahaa , isagoo khilaafka inta badana masuuliyiinta dawladda soo dhex galay ku salaysan mid beeleed ,mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale .Wasiirada qaarkood ayaan weligood laga maqal  wax taageeraya ama dhaliilaya dawladda  shaqooyinkooduna ku eh, halka kuwa kale oo looga baahnaa dhismaha dalkuna ay noqdeen afhayeenada kala duwan ee xukuumadda .Ragga maanta dalka haystaayi waa koox yar ,oo awoodo dhaqaale iyo mid beeleedba isbidaya ,kalasooni badanna ka haysta hoggaanka dalka kuwaasi waxay wasiirada qaarkood u arkaan wax matarayaal aan doonayn inay dawladdani sii jirto mar haddii  ay shacbiga daacad u yihiin

Wasiirada maanta dalka haysta iyo hogaanka dalkuba waxay wasaaradaha ka dhex samaysteen masuuliyiin iyaga si gaar ah ugu xidhan oo ka awood badan wasiirada ay ka hoos shaqeeyaan ,amar kastoo la siiyana aan ka qaadan masuulka wasaaraddaasi waxay doonanna u hadla iyagoon amar ka qaadan masuulka ka sareeya

Si aan arrimahaasi wax uga ogaanno ayaan tusaale usoo qaadanaynaa , hadalada isburinaya ee kasoo kala yeedhaya masuuliyiin kala sarraysa oo isku waasarad keliya ,wasaaraddasoo ah wasaaradda arrimaha debedda

Wasaaraddaasi waxa xukuma mid ka mid ah wasiirada ugu cimriga dheer kuwa xilka ka haya xukuumadda Somaliland isla markana loo haysto inuu ka mid yahay afarta wasiir ee dalka xukuma ,marka laga reebo madaxweyne Rayaale  .

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale ayaa dhawaanta isagoo jabinaya heshiiskii lixda qodob ka koobnaa ee xisbiyada siyaasaddu ku kala daysteen afxumadii iyo olihii siyaasadeed waxa uu dhaleecayn dusha uga tuuray Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo oo socdaal ku marayey dalka maraykanka .Inkastoo hadalka madaxweynuhu ahaa mid aan isaga ku habboonayn sheegistiisu kuna habboonaa shaqaalaha ka hooseeya ee lagu bartay afxumada iyo cayda siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxa uu hogaamiyaha mucaaradka ku tilmaamay mid ka baxay Somalilandnimadii una tafaxaytay soomaaliweyn .Hadalkaasi oo aanu masuulka xisbigaasi waxba kasoo qaadin ayaa haddana waxa  madaxweynaha ka xigtay masuliyiin kale oo si istusnima ah hoggaamiyaha mucaaradka ugu eedeeyey wixii uu madaxweynuhu ku hadlayey iyagoo midba mid kale kaga dheeraynayey xumaynta iyo xajiimaynta guddoomiyaha xisbiga Kulmiye .

Aakhirataankiina aflagaadooyinkii lagu tartamayey Axmed Siilaanyo loo jeedinayey ayaa waxa iskaga hor yimid laba masuul oo ka wada tirsan wasaaradda  Arrimaha debedda ee sannadaha badan Cabdilaahi Maxamed kaga faanayey warbaahinta Somaliland .Abaalkiibaa la tusay kaddib markii shaqaalihiisa wasaaraddaasi oo wassiir kuxigeen ahi uu Axmed Siilaanyo ku tilmaamay nin khaain ah ,dalkana aanu soo geli karayn .Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo siyassada xumadiisu u keentay in lagala wareego xitaa hadalkii keli ahaa ee uu  dawsladda mushaarka kaga qaadanayey .Wasiirka Arrimaha debedda oo beentiisii iyo belaayadiii uu ku maaweelinayey shacbiga Somaliland ,iskuna tusayey madaxweyne Rayaale lasoo gaabteen ayaa maanta  is ogaaday in kalsoonidii dhinaxca xukuumaddu luntay maadaama wasiirkuxigeenkisii ka garab hadlayo arrimaha debedda .Inkastoo Cabdilaahi Maxamed Ducaale uu walaalkii Axmed Siilaanyo maanta tusay tolnimo ,balse waxa uu hore ugu geystay  ayaa u muuqda  kuwa ka weyn difaaca uu maanta daafacayo Axmed maanta oo xukuumadda Rayaale Rayaale shaki badan ka qabto masuuliyasdda C/Laahi Maxamed Ducaale u hayana aan la ogeyn sidii uu mar kale uu wasiirkaasi salaanta siyaasadda xukuumadda Rayaale mar kale u fuuli lahaa haddii aanay xukuumaddu raalli ka ahayn hanjabaadaha wasiirkuxigeenkana xilka ka qaadi lahayd maadaama siyaasaddii arrimaha debedda Somaliland  maanta uu ka hadlayo wasiirkuxigeen aan loo idman hadalada kala sheegeya labo siyaasadood oo kala duwan oo mid Axmed Siilaanyo ku sheegeyso khaain midna ku sheegsyo waddani.

Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo ay lasoo gaabatay beentii  uu qaddiyadda Somaliland iyo ictiraafkeedaba been badan iyo kharash badan ku qaatay waxna aanu Somaliland uga tarin siyaasadda arrimaha debedda ayaan sidoo kale la ogeyn in wax kasta ama been kasta oo uu haddaa kaddib shacbiga iyo dawladdaba u sheego la dhegeysan doono lagana yaabo in wasiirkuxigeenkiisa loo daliciyo derejada maanta uu saaran yahay Wasiirka ariimaha debeddu.


Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama