Boorama-(Lug)-Kulan aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen xildhibaano ka tirsan golaha degaanka ee dagmada Boorama ayaa lagaga dhawaaqay in dagmadu ay ku jirto xaalad abaareed oo aad u khatar badan, waxana ay halkaasi baaqyo kala duwan uga soo jeediyeen hayadaha gargaarka.

Kulankan oo uu gudoominayay kusimaha duqa deqmada Boorama Muumin Gadiid Cumar isla markaana ay goob joog ka ahaayeen sagaal xildhibaan oo ka tirsan golaha degaanka ee degmada ayaa waxa lagu gorfeeyay halkaasi sida ugu haboon ee qaylo dhaantan loo gaadhissn lahaa inta ay khusayso, waxana kulankan kala qayb galay laamaha saxaafada kala duwan ee ka hawl gasha gobolka.

Xil. Xasan Halas Bare oo ka waramayay xaalada abaarta ee uu ku soo arkay deegaano uu dhawaan shaqo ugu kicitimay ayaa ku tilmaamay mid la mid ah tii Abraatii daba-deer ee sabnadkii 1974kii ku dhufatay gobolada Bariga, waxana uu sheegay in dadka degaanadaasi aanay abaartu waxba u reebin.

Xil.Xasan Andaad oo isaguna ka hadlay xaladihii uu soo arkay ayaa sheegay in ay dadka reer guuraha ah ee xoolo dhaqatada ahi aad ugu dhibtoodeen abaaraha isla markaana ay wax badan ugu wacan tahay dhirtii ay xooluhu daaqi jireen oo isku badashay xaabo meelaha qaarna ay biyo la’aan badani ka jirto degaamada.

Xil. Hoori oo isaguna kawarbixiyay xaalada abaarta ee deegaamo uu shaqo ugu tagay ayaa tilmaamay  in xoolihii ay badidooodii dhinteen abaarta dartii dadkuna ay biyo la’aani baahsani hayso isaga oo xusay in aartu ay dadka haysatay mudo 3 sano ah oo uu sanadkan u dambeeyaa ugu daran yahay.

Xil. Cabdi cabdilaahi oo isaguna hadlay ayaa xusay in abaarahani ay yihiin kuwii ugu darnaa ee dadka qabsada mudo ka badan 20 sano waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in gargaarka la dadajiyo.

Xil. Jimcaale oo isaguna ka hadlay madashan ayaa kala sinaa xildhibaanadii kale qaabka ay uga soo warameen waxii ay indhahooda ku soo arkeenmudadii ay safarka ahaayeen.

Xil. Ibraahim Xaaji Xasan ayaa isaguna si kulul uga hadlay xaalada abaarta waxana uuu ku dheeraaday in diinta islaamku ay wajib ka dhigtay in la taageero dadka tabaalaysan, waxana uu xaalada ku tilmaamay mid khatar ah.

Gudoomiye kuxigeenka golaha degaanka ee degmada Boorama Muumin Gadiid Cumar ayaa xusay in ay baaq gaarsiinayaan dhaman Xukuumada, Hayadaha Caalamiga ah, kuwa wadaniga ah, ganacsatada, Qurbojooga iyo dhamaan umada reer Somaliland waxana uu ugu baaqay in si dagdag ah loogu soo gurmado dadka ay abaaruhu waxyeeleeyeen. Waxa kale oo uu ugu baaqay culamaa’udiinka reer Somaliland in ay alle bari roobdoon ah umada u baryaan isla markaana wax badan umada ay abaaruhu taabteen eebe u baryaan inuu roob u keeno.

Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama