dsc00891.JPGBoorama-(lug)-Maamulaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Isaaq ee magaalada Boorama ayaa ka dayriyay xaalada garoonka oo ay baryahan dambe ku soo cusboonaatay inay iskarogooyinka ciida garaa ka dhigtaan dhabo gaadiid oo ay u maraan si joogto ah.

dsc00891.JPG

Maamule Xadan Daahir Biif ayaa hadalkan waxa uu Lughayanews u sheegay mar uu ku sugnaa isla garoonka diyaaradaha oo ay ka shaqaysanayeen iskarogooyin tiro badan oo ciid wadaa waxana uu yidhi ” Maamulka gobolka iyo kan degmada ayaa bixiyay ciid laga qoday goob u dhow dhabada ay diyaaraduhu soo cago dhigtaan ee garoonka, waxa ay u soo dirteen iskarogooyin, waxa ay iska rogooyinkaasi godeen runway-gii diyaaradaha hadii roob da’ana waxa uu isku badalayaa doox, waxa ka masuul ah masuuliyiinta sare cid la hadli kartaana ma jirto.

dsc00900.JPG

Maamule Xasan Biif ayaa waxa kale oo uu ku dhaliilay ganacsatada reer Awdal mar kale inay iyagu door bidayaan inay alaabadooda ka soo dajistaan hargaysa iyo Barbara isla markaana ay baabuur u soo raacaan Boorama.

dsc00906.JPG

Maamule Xasan Biif  ayaa waxa kale oo uu ku dhaliilay wasaarada duulista iyo hawada inay xayiraado dahsoon saartay garoonka oo ay ka caga jiidayso inay meel  mariso waraaqo tiro badan oo ay u direen si garoonku u shaqeeyo.

dsc00907.JPG

Xaalada garoonka Aadan Isaaq ee Boorama ayaa ah mid ay duruufo badani ragaadiyeen waxana ugu badan ee masuuliyiinta ka hawl gashaa ay tilmaamaysaa in garoonku ku dhaw yahay in uu is xidho hadii aan gode, xukuumad iyo dibadba wax laga qaban dhibaatooyinka haysta.

dsc00908.JPG

Inta la ogyahay waxa garoonka Aadan Isaaq ee Boorama  soo cagadhigta ama ka haada diyaarado tiro yar oo badhkood yihiin kuwa caafimaadka ee dhawrkii biloodba hal mar yimaada ee u adeegaya Kukuya Eye Unit Kenya iyo Kijabi Hospital Kenya, waxa intan soo raaca oo garoonka laga soo dajiyaa maydka masuuliyiinta dawlada iyo mudanayaasha kale ee ku dhinta qurbaha ee  loo soo galbinayo gobolada Awdal iyo Salal si loogu duugo.

Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama