Indhaha Kamaradaha Fogaanta Dheer ee Shabakadu Way Ka Argagaxeen Xaqiiqda Jirta Inay Soo wada Koobaan”.
Wariyayaasha shabakada wararka ee Lughayanews ayay u suurto gashay inay booqdaan deeganada Qul-ujeed Xaliimaale, Boon iyo Dhagaxa Madow oo ka mid meelaha ay abaaruhu ka jiraan ee gobolada Awdal iyo Salal.
Ma aha wax la soo koobi kari wixii ay kamaradaha fogaan araga dheer ee shabakadu qabteen, xaaladuna waxa ay ka fogtay sida ay ku soo waramayaan masuuliyiinta isticmaalaysa khadka taleefanada ee shabakada la soo xidhiidhaysa.
Inta badan wadooyinkii awalba rafka ahaa ee goboladaa ayaa hadana noqday kuwo ay siigo iyo ceeryaani hadhaysay, dhirtu way daadisay caleemihii, doogiina ma jiro oo ma bixin mudo sanado ah, ma jiraan xoolihii tirada badnaa ee wadada hareerahiida daaqi jiray.
Deegaankii quruxda badnaa ee awal ay indhuhu qabanayeen sanado kahor waxa uu isku badalay meel u muuqaal eg saxaro lama dagaan ah oo aanan lagu noolayn boqolaal sano. Waxa dhalaalaya dhagaxii, waxa kuu muuqanaya buurahii oo qaawan, waxa aanad u baahanaysaa muraayad aad indha gashato si aad uga badbaado siigada khamsiinka ah ee dhacaysa.
Abaartu waxa ugu badan ee ay taabatay waa dadka iyo xoolaha, dadku waxa ay daadsan yihiin meelaha u dhow magaalooyinka, ma haystaan hu haboon, ma haystaan waxay cunaan mana haystaan biyo ku filan oo ay cabaan, waxana ugu dhow ugu yaraan 10km inay u arooraan. Dadkan ma ogola inay saxaafadu la hadasho ama adiguba kama qaadi kartid sawiro duruufta ay abaaruhu gaysteen aawadeed.
Mar ay dadku kuu sheekeeyaan, waxa ay ka waramayaan sida ay u daashatay abaarta daba dheeraatay, iyaga oo daqiiqad daqiiqad u xaquusan waxwalba oo dhacay. Sheeko walba oo laguu sheego waxa ay ka xanuun kulushahay sheekada kale” xaliilaalo waxa ay wariyayaashu kula kulmeen qoys haysta hal neef oo waxar ah oo xanuun daaliyay, waxa iska diiday inuu waraysi bixiyo odaygii reerka waxa u jawaabtay haweenay kale oo iyadaba ay abaartu ka muuqato, waxa u sheegtay in waxartani ay ugu hanti dambaysay 300 oo neef oo xoola ah oo ay bilo ka hor lahaayeen, waxa ay wariyaasha dul gaysay xoro madhan oo aanay waxba ku jirin, waxa aanay tidhi iyada oo foorarta ” waxa ku xigaa waa caruurta iyo dadka waawayn”. Waxyar kadib waxa ku soo ururay goobtii boqolaal qof oo kale oo abaartu soo barokicisay o raba inay ka warbixiyaan xaaladooda, mana suurtoobin in waraysiyadaasi ay shabakadu sii wado.
Xoolaha ayaa ah kuwa ugu badan ee ay abaartu hore u sahayatay wajigeedii koowaadba, xoolo kagama muuqanayaan sheeda, waxaas kuu fudud inaad raqda ka hadhay xoolaha dhintay ka talaabsato iyaga oo daadsan duleedada, urta ayaa meelaha qaar is xidhay waxana aad ka baqaysaa in xanuuno hawada ku faafa ay halkaasi ka dhashaan.
Adhiga inta soo hadhay waxa ay ku urursan tahay xaafadaha hortooda iyada oo la siinayo dalagii beeraha ka bixi jiray oo magaalooyinka waawayn laga keenay si loogu badbaadiyo, Lo’odu waa xayawaanka ugu tabarta yar mana dhaafayso duleedka guryaha, waxanad arkaysaa in bogeedu uu isku dagay oo ay gaajo la taahayso. Geelu waa ka liitaa sidan, inta yare ee soo hadhay waxa dib u daaqaysaa geedkii tiinka ahaa ee awal ay manaafacaadsan jireen oo maanta aan qoyaan lahayn.
Dadkan ma gaadhin wali wax gargaar ah, waxa ay ku soo ururayaan baabuurta wadooyinka maraysa iyaga oo biyo ka dalbanaya inta badana looma joogsado oo waxa lagu dhaafaa urta iyo siigada cawlan ee ka jirta deegaanadan xawaare aad usareeya.
Waxa ugu badan ee ay la kulmaan waxa ay tahay gaadiid cadcad oo u badan Land-Kuruusaro ay saran yihiin wufuud iyo shaqsiyaad kale oo aad u labisan xidhan murraayado mad-madow oo u sheega in ujeedada ay u socdaani ay tahay inay xaalada abaartu gaysatay soo indho indheeyaan.
Xaalku ma aha wax sahlan, waxa ugu badan ee ay abaartu lunsanaysaa waa hantidii ugu badnayayd ee dadka, waxa soo barakacayaa waa qoysas badan oo gacmaha jiidaya caruur aanay nafku jirin iyo dad waayeel ah, waxa kaliya ee deegaanadan ku hadhayna waa haween iyo caruur iyo dadkale uu u nugul dhibaatada.
Golaha Tifaftirka Lughayanews


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Shabakada Lughayanews Oo Booqatay Deegaanada Abaaruhu Ka Jiraan Ee Boon, Xaliimaale, Qul-ujeed Iyo Dhagaxa Madow + Sawiro "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback