Boorama-(Lug)- Magaalada Boorama ayaa qiimaha koobka shaaha ahi kor u dhaafay kunshilin oo soomaaliland ,iyadoo dhinaca kalena gabdadda sonkorta ah ee 50ka kiiloo ahi dhaaftay 45 doolar
qiimahaasoo walaac ku abuuray guud ahaanba danyarta,korna u qaadday qiimaha maciishadda muddo sannado ah .Shaaha oo ah sharaabka loogu cabitaanka badanyahay guud ahaanba dalka ,ayaa isticmaalkiisu sii kordhay wakhtigan qaboobaha ah,ayaan in muddo ah qiimhiisu dhaafin 500 oo shilinka soomaaliland ah
qiimaha gabdadduna aanu dhaafin in ka yar 30 doolar,kor u kaca qiimaha sonkorta oo an la garanayn wax dhaliyey ayaa nolosha qoysas badan oo debadda loogusoo diro nololmaalmeedkooda hoos u dhigtay, iyadoo an la ogeyn sababta keentay qiimaha kor u kaca sonkorta maadaama aanu sicirka caalamka ee sonkortu waxba iska beddelin balse laga yaabo inay la xidhiidho siyaasadda dhaqaalaha iyo ganacsiga ee xukuumadda soomaaliland oo an iyadu marnaba u danaynayn shicibka, waana markii ugu horreysay ee gabdadda sonkorta ahi gaadhay qiimahaasi,mana jiraan arrimo laga hortegeyo qiimo barar kale oo ku dhaca badeecadaha kale
Tan iyo markii ay xukuumadda madaxweyne Rayaale xukunka dalka qabatay toddoba sano ku dhawaad ka hor,ayaa maalinba maalinta ka dambaysa waxa sii kordhaya qiimaha maciishadda ,iyadoo dhinaca kalena la tuhunsanyahay in xukuumaddu cashuuro badan saartay badeecada sonkortu ka mid tahay ,ilaa maantana ay jirin wax hoos udhac ah oo ku yimaadda qiimaha maciishadda debedda laga keeno
Inkastoo madaxweyne Rayaale uu dhawaanta soo hadalqaaday kor u kaca qiimaha maciishadda ,balse marnaba ma uu keenin talo la xidhiidha sidii baayacmushtarka loogu khasbi lahaa kor kaca qiimaha maciishadda, waxanad moodda in xukuumadda iyo baayacmushtarka soomaaliland u heshiiyeen sidii shacbiga loo saari lahaa culays dhinaca nolosha ah ,iyadoo la ogyahay sida xukuumadda rayaale aay heshiiska ula tahay baayacmushtarka ,isla markaana ay dhismayaashii iyo dhulkii danta guud gacanta u gelisay baayacmushtarka
Si kastab ha ahaatee xaladda dalka iyo dadka oo maanta aay saameeyeen abaaro baa’an ayaa dhinaca kale waxa sii kordhaya culayska dhinaca maciishadda ee maalinba maalinta ka dambaysa kor u sii kacaya ,gaar ahaanta sonkorta oo anay ka maarmayn ubadka yaryar ayaa laga yaabaa inay noloshooda saamayn ku yeelato qiimaha sonkorta ee la goyn kari laayahay isla markaana anay jirin wax rajo ah ama tallaabooyin hoos loogu dhigayo oo ka yimaadda xukuumadda Rayaale iyo baayacmushtarkaba.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Boorama Qiimaha Koobka Shaaha Ah Oo Dhaafay Kunshilin ,Iyo Gabdadda Sonkorta Ah Oo Dhaaftay 45 Doolar "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback