picture-035.jpgBorama-(Lug)-Kulankani oo qaatay mudo laba maalmood ah ayaa saaka lagu soo gagabeeyay xarunta dhalinyarada ee says ee magaalada Boorama   kulankaasi oo ay soo agaasimeen  isla ururka dhalinta ee says  kaasi oo ay ugu tala galeen
 sidii loo xakamayn lahaa faafida cudurka dilaaga ah ee HIVga oo caam yeelay wadamada soo koraaya intii uu kulan kani socday ayaa dhalianayarada ka qayb qaadanaysay ee ka faa’iidaysteen  sidii aya uga hortagi lahayeen ugana faa’iidayn lahaayeen dhamaanba dalka iyo dadkaba  gabogabada munaasibadani waxaa ka hadalay  Axmad Maxamad Caateeye      oo ah xubin firfircoon ee ururka dhalinyarada says ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladiisii  : “hada waxaan maqlaayay in dhalinta kasoo qayb gashay tobo barkani ay hadal hayeen inloogu celiyo loona sii dheereeyo tobo barada noocani oo kala ah  sidaa daraadeed waxaan idiin balan qaadayanaa oo aan idinku wargalinaynaa in hort ururka says uu u furan yahay waxka qabadka baahiyaha  dhalinta”.

picture-035.jpg

Waxaa kale oo halkaasi ka hadashay midkamida dhalianyarada loo soo gabagabeeyay tobobarka  ka hortaga cudurka dilaaga ah ee HIVga   oo magaceeda la yidhaahdo Fadxiya oo iyadu kawar bixisay isbadalka aadka u wanaagsan ee ay ururka Says noo qabteen waxaan leeyahay waxaan idiin balan qaadaynaa inaan gaadhsiino fariimaha qaaliga ah ee aad noo dhiibteen.

picture-038.jpg

Waxaa kale oo kahadlay oo soo gunaanaday  Nuur Aadan Shirdoon oo ah Agaasimaha Ururka Says waxaanu sheegay inuu tobobarada noocani ahi noqon doono mid soo noqnoqda  kaasi oo u kala socon doona siyaabo kala duwan oo ah goos goos.

picture-039.jpg

Ururku waxaa uu kamid yahay ururka dhalin yarada ee says ururada ka hawlgala dalka waxaanu had iyo jeer u foojigan yahay una diyaar yahay in uu wax ka qabto baahiyaha ka taagan dalka.

picture-040.jpg
picture-041.jpg
picture-043.jpg
picture-045.jpg
picture-046.jpg
picture-047.jpg
picture-048.jpg
picture-049.jpg
picture-050.jpg


Wariye:-
Yuusuf Cabdi Cali “Indhoqurux”
Lughayanews-Borama