Boorama-(Lug)- kumaankum xabbadood oo kiniin kala duwan ah,iyo dawooyinka la cabbo oo wakhtigoodu dhacay laguna daadiyey goobo kala duwan magaalada Boorama ayaa looga baqayaa inay khatar ku keenaan caafimaadka dadweynaha iyo xoolaha gaafwareegaya magaalada

Kiniinkan oo inta badan lagu daadiyey goobaha qashinqubka ah iyo garoonka ciyaaraha Boorama ,ayaan ilaa imika la ogeyn cidda  haysatay iyo meelaha lagu haystay ee ay wakhtigoodu ku dhacay,ha ahaadeen farmasiyada tirada badan ,iyo xarumaha caafimaadka dawladda .

Kiniinadan oo laga daadiyey kartoonadii ay ku jireen isla markaana sida hadhuudhka loogu daadiyey garoonka ciyaaraha  Boorama badankiisa ,ayaan ilaa imika anay jirin cid ka hadashay waxyeeladiisa goobahana lagu daadiyey dawooyinka dhacay oo inta badan u hoydaan dadka  an hoyga lahayn isla markaana ay ku ciyaaraan ubadka kasoo dareera xaafadaha ku dhawdhaw garoonkaasi,ayaa sidoo kale waxa looga baqayaa inay ku dhintaan dadka maskaxda wax uga dhimanyihiin ee habeenkii gaafwareega dhulkaasi

Kiniinkan oo isugu midabyo kala duwan, kuwa aad u   yaryar ,iyo kuwa ballaadhan ayaan sidoo kale la ogeyn  xanuunada  lagu daaweeyo,lamana socdaan warqadihii warbixinta dawooyinkaasi intabadan lagu qoro

daadintan  kiniinkan iyo dawooyinka kale ee lagu daadiyey meelaha muhiimka u ah dhallinyarada iyo dadka kaleba,ayaa laga yaabaa inay sidoo kale waxyeelo kasoo gaadhaan dad u haysta in kiniinknadaasi yihiin kuwa fiitamiinno ah ,isla markaana cunaan naftooduna khatar ku gasho

Daadinta dawooyinkan ayaa sidoo kale waxay tusaale u tahay nidaam la’aanta iyo xakamaynta dawooyinka dalka soo geleya oo xil ka saaranyahaya wasaaradda caafimaadka,balse aad mooddo inaysan waxyeelada dawooyinkaasiba anay arkayn kuna mashquulsanyihiin arrimo kale.

Sidoo kale ayaan xukuumadda soomaaliland  wax tallaabo ah ka qaadin  tolbannaanka Farmasi ee ay ka shaqeeyaan dad an wax aqoon ah u lahayn  cilmiga dawooyinka,sidaa darteedna dadka ka iibiya dawooyin an warqado dhakhtar la socon,oo sida nacnaca loogu buuxiyo jeebadaha bukaansocodka

dawooyinkan daadsan garoonka kubadda cagta iyo goobaha kale ee magaalada  sidoo kale waxaa dhici karta hadii carruurta ku ciyaaraysa garoonkaasi macaan ka dhadhamiyaan  ay jeebadaha ka buuxsadaan kuna dhintaan .

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama