Laascaanood-(Lug)-Hal qof ayaa ku dhintay afar qof oo kale oo uu ku jiro Badhasaabka Gobolka Sool Md. Faarax Askar-na way ku dhaawacmeen ka dib markii qarax lala beegsaday Gaadhigii Badhasaabka oo hortaagnaa Gurigiisa Magaalada Laascaanood.
Lama garanayo cida ka dambaysay qaraxan lagu bartilmaameedsaday Badhasaabka Gobolka Sool, waxaana ku dhintay hal qof oo ilaaladiisii ah.
Badhasaabka Gobolka Sool Md. Faarax Askar, ayaa la sheegay in dhaawac ka soo gaadhay lugaha oo ay filidhadii qaraxu ka galeen.
Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa waxa ka dhacay qaraxyo aad u badan oo kii u dambeeyay uu todobaadkan ka dhacay isla markaana ay ku dhinteen laba askari sadex kalena ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale, waxa qaraxan Badhsaabka lala beegsaday uu ku soo beegmay xili ay Magaalada Laascaanood ka socdeen hawl galo balaadhan oo lagu sugayo ammaanka gobolkaasi.
Ma jiro illaa imika cid maxkamad loo soo taagay qaraxii u horreeyay ee ka dhacay Laascaanood ee lagu khaarajiyay Taliyihii qeybta 12-aad ee ciidanka qaranka oo 1-dii bishii November ee la soo dhaafay ka dhacay Laascaanood, oo xukuumaduna ay sheegtay in lo ohayo 21 qof oo uu ku jiro sarkaalkii ugu sareeyay ciidanka Nabad sugida gobolka Sool.
Ramaasnews


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Qarax Lala Beegsaday Badhasaabka G/Sool "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback