maxamad-jaamac-diiriye.jpgBorama (lug)- Guddoomiyihii hore ee degmada Lughaya Maxamad Jaamac Diiriye ayaa sheegey in ay degmadaasi  ka taaganyihiin abaaro dabo dheeraadey Oo muddo dhowr bilood ahba  faro baas ku hayay xoolaha deegaannadaasi

, haatanna sida uu sheegey dadkii saameeeyey.
Guddoomiye Maxamad Jaamac Diiriye waxa uu sheegey in degmada Lughaya tahay 100% xoolo ku nool, sidaas darteedna ay maanta xaalad adag oo aan hore loo aragi ka jirto, waxaana Lughaya abaaarahaasi qadhaadh la qabta buu yidhi degmada Garbo Dadar oo hore uga tirsanaaan jirtey Lughaya.
Maxamad Jaamac waxa kale oo uu sheegey inay Lughaya biyo la`aan baaahsani ka jirto,” degmada Lughaya waxa ay ka cabbi jirtey riigga Kalawley oo xarunta Degmada ee Lughaya u jira 18 KM, haseyeeshee riiggiina wuu caddilmey, iyada oo ay dhacdadaasi ku soo beegantay xilli ay ajiran abaaaro aan la sawiran Karin”.
Maxamad Jaamac Diiriye oo haatan ku sugan magaalada Borama soona booqdey xafiiska Lughaya news ee magaaladaasi  ayaa ugu baaqay hay`adaha samafalka qaabilsan iney gurmad degdeg ah la gaadhaan degmooyinka Lughaya iyo Garbo-Dadar.
” waxaan ugu baaqayaa hayadaha samafalka iney badbaadiyaan dadwaynaha ku nool degmooyinkaasi, si ayna u raacin xoolihii ay dhaqan jireen oo baryahan danbe si aan kala hadhid lahayn u lee`da “.
maxamad-jaamac-diiriye.jpg

sida la ogyahay Maxamad Jaamac Diiriye waa siyaasi ka soo jeeda degmada Lughaya horena guddoomiye uga ahaan jirey degmadaasi, wuxuuna madax u ahaa golihii deegaanka ee ku dhawaad sannad ka hor la kala direy, haseyeeshee horraantii bishii 12aad  ee sannadkii inna dhaafey ayuu ku dhawaaaqay inuu qaatey mabda`a xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE.

Lughaya News- Borama