Borama-(Lug)-Wasiirka wershedaha Somaliland Axmed Cali Ubaxle ayaa maanta Boorama ka furay wershed cusub oo lagu samayn doono alaabta loo isticmaalo nadaafadda guud ee dadka iyo qalabka guryaha Xaflad lagu furayey wersheddan cusub looguna magacdaray “Aloe east African Factory” ama ” wershedda dacarta geeska afrika” ayaa waxa kasoo qaybgalay wasiirka qorsheynta Cali sanyare, wasiirka warfaafinta Axmed Xaaji Daahir oo wasiirka wershedeha ku weheliyey socdaalkiisa Boorama, masuuliyiinta G/Awdal , salaadiin, aqoonyahanno, Ururka Camuud foundation ee qqurbajoogga reer Awdal, ganacsato, masuuliyiinta shirkadaha gaarka ah qaarkood iyo martisharaf kale ayaa waxa ka hadlay wasiirka wershedeha oo sheegay inay maanta oo uu furayey wersheddan ay Borama ugu horreyso, isla markaana uu dadweynaha Boorama iyo masuuliyiintoodaba uga mahadceliyey sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen.
Isagoo dhinaca kalena wasiirku sheegay in wersheddani tahay tii afartan iyo lixaad ee dalka laga furo balse ay ka shaqeeyaan wershedahaasi ilaa 15 wershedood, qaarjoodna marmar la furo halka kudhawaad labaatan wershedoodna ay shaqadii u joojiyeen arrimno kala duwan oo la xidhiidha dhinaca maamulka, aqoonta iyo tartanka suuqyada, isagoo wersheddan Aloe ee uu Boorama ka furay ku sheegay inay tahay mid wakhtiga la socota isla markaana gacanta ay ku hayaan qaar ka mid ah aqoonyahanada gobolkan Awdal oo shaqada wersheddaaasi wax ka yaqaanna.
Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu mulkiilayaasha wershedda ku ammaanay dedaalkooda isagoo dhinaca kalena sheegtay inuu dhinaca dawladda gacan ka geysan doono sidii ay u shaqayn lahayd wersheddaasi ilaa inta ay lugaheeda isku taageyso .
Wasiirka qorsheynta Cali ibraahim (Cali Sanyare ) oo isna munaasabadda furitaanka wersheddan ka hadlay ayaa ka warbixiyey faa’iidada wersheddani u leedahay dalka iyo dadkaba isagoo sheegay inay dawladdu ka heli doono cashuuro daklhli ah, isla markaanA tobannaan qof ay shaqooyin ka heli doonaan .
Wasiirka ayaa sidoo kale in wersheddan oo ku shaqaynaysa alaabta laga helo dalkeenna ay wershedaha kale kaga duwan tahay sida ay manaafAcaad ugu yeeshay dhirta dacarta oo awal la yaraysan jiray ama aan awal la aqoon waxtarkeeda, sidaa darteedna ay boqolaal qof ka shaqaysan doonaan beerista dacarta, iibgeynteeda kuwaasoo loogu doono dacarleyda .
Ugu dambayntii wasiirka Qorsheynta ayaa reer Boorama ku ammaanay dedaalka ay ka galeen kor u qaadiidda aqoonta Somaliland iyadoo sida wasiirku sheegay ku dhawaad afartan sannadood ay aqoontii iyo maskaxdii reer woqooyigu kusii socotay dalkii la odhan jiray Soomaaliya, kaddibna aqoontii reer Somaliland ku qulqushay dalalka khaliijka, soomaalilandna laga waayey waayadaasi macallimiin xitaa wax ka dhigta dugsiyada dalka, waxayna reer Boorama soo nooleeyeen aqoontii dalkan cusub ee Somaliland lagu horumarin lahaa ee ay ka mid yihiin wershedaha iyo waxbarashada oo lagu tuhmayo gobolka Awdal.
Wasiirka warfaafinta Axmed Xaaji Daahir oo isna munaasabaddan furitaanka wersheddeen dacarta ka hadlay ayaa sheegay inay maanta ka gobol ahaan u tahay farxad gooni ah maadaama gobolkii uu kasoo jeeday laga furay wersheddii ugu horreysay isla marklaana uu rajaynayo inay kuwa kale ku xigi doonaan .Wasiirka oo arimahaasi ka hadlayaana waa uu yidhi “waxan maanta Boorama u joogaa arrimo ka baxsan siyaasadda balse ah dhinaca horumarka laga gaadhay xagga aqoonta iyo farsamada.Dadka reer Somaliland ayaa qaarkood u barteen inay belaayo uun ka sheekeeyeen, waxa wanaagsanna laga qariyey, dedaalka wersheddan lagu dhisayna wuxuu soo socday sannado ee maaha bilo, waanan la yaabbanaa walaalkay Maxamed Cabdilaahi mar uu ii sheegay qorshihiisa, waan saluugay oo waxaan is idhi muu wax kale ku fikiro maanta ayaan rumaystay in wixii waagaa uu ii sheegay uu niyad adayg kaga soo gudbay, maantana aan arkaynno midhihii durba kasoo baxay wersheddaasi .
Guddoomiyaha Gobolka awdal Maxamuud sh.C/laahi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ugu horreyn kasoo sheekeeyey wasoo saarka wersheddan oo uu sheegay inay ka tayo wanaagsan tahay, kana udgoontahay badeecadaha shaambooga iyo kuwa nadaafadda ee laga keeno debedda, marka waxaan dadkeenna u sheegeynaa inay iska illoobaan waxa debedda laga keeno oo alaabtan ah .
Guddoomiyaha gobolka oo ka sheekaynayey dhibaatada ay isla mareen mulkiilayaasha shirkaddan markii la aasaasayey ayaa yidhi “waxay ciidanka booliska iisoo sheegeen gaadhi dacar sida, waan la yaabay waxa dacarta lagu qabanayo, muran dheer kaddib ayaan amar ku bixiyey in dacartaasi loosii daayo ninka iska leh meeshuu doono hala tegee. waxa uu igu yidhi dacartaasi waxbaan ka samaynayaa, waxan beerayaa boqolaalkun oo geed oo dacar ah , waxan is idhi malaha ninkani wuu soo kululaanayaa, waa la waday waxana soo baxay wixii waagaa aan la yaabbanaa oo ah wersheddan maanta alaabtan quruxda badani kasoo baxday, anigoo u rajaynaya in badeecadahaaasi ay gaadhi doonaan guud ahaan dalalka deriska ah, waxan ganasatadeenna leehay waar dhaqaalihiinna ha aasinee wax ku qabsada.
Maxamed C/laahi Yoonis (Talyaani ) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa warbixin dheer kasoo jeediyey wixii ku dhaliyey aasaaska wersheddan iyo dhibaatooyinkii uu lasoo maray hirgelinteeda, isagoo sheegay inay sannado badan ku qaadatay sidii uu dadweynaha uga dhaadhicin lahaa faa’iidooyinka dacarta, dadka qaarna la yaabanaayeen fikirkiisa, isagoo guddoomiyaha wersheddu u mahadceiyey cid kastoo wax kala soo qabatay hirgelinteeda.
Ismaaciil Riiraash oo isna ku hadlayey magaca ganacsatada reer Boorama ayaa tafaasiil ka bixiyey sida loogu baahan yahay in maalgelin lagu sameeyo dalka oo ay ku sameeyeen ganacsatada reer Somaliland gaar ahaanna reer Awdal .Ismaaciil Riiraash ayaa sidoo kale isagoo ku hadlaya magaca gamnacsatada reer Awdal ku ballanqaaday ina badeecadaha wersheddaasi iibsan doonaan kana door bidi doonaan kuwa la mid ka ah ee laga keeno debedda .
Cabdi Daahir Cali kana tuirsan masuuliyiinta sarsare ee ururka Cammuud foundation ee qurbajoogga reer Awdal ee dalka maraykanka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wersheddani bilow u tahay horumarka soo socda sannadaha soo socda wershedo badan, dhaqaale badan iyo horumar badani soo socdo
Isagaoo dhinaca kalena sheegay in inkastoo ururka Camuud foundation yahay urur samafal ah, dhawaanna Boorama ka hirgeliyeen isbitaal ka mid ah isbitaalada ugu waaweyn soomaaliya, aasaaska wersheddani ku dhiirrgelinayo inay u jeestaan dhinaca horumarka iyo maalgelinta qurbajooggu ka geysan karo dalka, isagoo ku ammaanay cid kastoo ka qayb qaadatay hirgelinteeda .
Munaasibaddan ayaa sidoo kale waxa hadallo isugu jira waano, mahadcelin iyo dhiirrigelinba kasoo jeediyey xubno ka tirsan salaadiinta G/Awdal, ururada haweenka iyo shirkadaha gaarka ah, kuwaasoo dhammaantood soo dhaweeyey bilowga waxay u arkayeen wershedeynta gobolka Awdal iyo maalgelin wax ka taraysa horumarka dalka.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Raxan Ka Tirsan Wasiirada S/land, Salaadiin Iyo Ganacsato Isku Arkay Xaflad Lagu Furayey Wershad Cusub Oo Laga Hirgeliyey Borama . "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback