Somaliland ayaa waxa mar kale miisaankooda saaran komishanka Cusub ee qaabilsan doorashooyin aan la ogeyn wakhti ay dhici doonaan balse ah rajada keliya ee Somaliland kaga badbaadi karto qalalaase siyaasadeed iyo xasiloonidarro ka dhalata muran kale oo saameeya doorasooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan, isla makaana ay soo baxaan arrimo soo afjaraya samirka iyo dulqaadka shacbweynaha khaatiuga ka jooga xukuumadda Rayaale.
Komishankan oo ay ilaa imika reer Somaliland u haystaan odayaal iyo aqoonyahanno isku darsaday edeb, aqoon iyo sifooyin kale oo laga yaabo inay la wadaagaan komishankii hore ama kaga duwan yihiin .
Marka la eego hawlqabadka komishankan cusub ee lagu magacaabay shuruudihii xisbiyada mucaaradku ku xidheen deggenaanshaha dalka iyo siyaasaddisa ayaan ilaa imika cid soo hadal qaadi kartaa aanay jirin maadaama xisbiyada, dawladda iyo dalalka Somaliland saaxiibka la ahi isku qanciyeen inay yihiin kuwa Somaliland gaadhsiin kara dimuqraadiyad kale iyo doorashooyin xor oo xalaal ah, sidaa darteedna ay dhamaan dhinacyadaasi shacbiga iyo siyaasiyiintaba kula taliyeen inaan hawlahooda la faragelin, balse dhinaca kale arrimaaasi waxay durba keeneen weji kale oo dhinacyada siyaasadda Somaliland isku haya dareen geliyey, balse dhinac keli ahi ku dhici laayahay inuu bilaabo wax ka sheegga komishanka cusub ee doorashooyinka .
Markaad eegto dhinacooda ama dhinaca komishankaasi waxad mooddaa inay weli bulshada, dawladda iyo xisbiyadaba gooni iskaga xidheen, isla markaana ay go’aansadeen inaysan cidna la hadal , xitaa marka lagu daro hawshii loo igmaday ee ahayd doorashooyinku . Komishankaasi weli ma caddayn in dalka doorashooyin ka dhacaya saddex bilood ama afar bilood kaddib markii ay meesha ka saareen komisankii hore ee lagu eedeeyey inay khalkhaliyeen siyaasadda , dhaqaalaha iyo amniga dalkaba, isla markaana iyaga laftoodu iskaga hor yimaaddeen warbixino badan, hadal badan iyo musuqqmaasuqa badan.
Inkastoo komishankaa hore mar kasta sheegi jireen wax dadka ka farxiya, been iyo run midkay doontaba ha ahaatee ayaad mooddaa in komishankan cusubi aanu weli maalinna ka farxinin dadweynaha , dawladda iyo xisbiyadaba, isla markaana aad mooddo inay iyagu noqdeen astaan dadkan lagu illawsiinayo waxay xaq u leeyihiin oo ah doorashooyin dalka ka dhaca sida ugu dhakhsaha badan .
Weli may sheegin goortaq xafiisyo doorasho la furi doono, weli may sheegin inay hawsha doorashooyinku soconayso wakhti dhaw iyo inaysan socon doonin. weli may sheegin inay haystaan kharashkii lagu geli lahaa doorashooyinka, tababarida shaqaalaha iyo hawlwadeenada ka hawlgeli doona, weli may magacaabin cid sida ay mustaqbalka uga hawlgeli doonaan gobolada dalka oo dhan . arrimahaasoo dhamnmina waxay muujinayaan sida komishankani ku doonayo inuu aamusnaan ugu fadhiyo kuraasta sannado, bilo ama wiigag, iyagoo aad mooddo in haddi ay shacbiga wax u sheegaan lagu soo jeesan doono sidaa darteedna ku talogaleen in gebi ahaanba la illoobo komishanka cusub, doorashooyinka, tartanka axsaabta iyo kormeerayaashaba .
Sidoo kale ayaanay Komishankani kala saarin cidda kala saari doonta diiwaangelintii waxay ka yeeleen Interpeace, inkastoo xukuumaddu iyo iyaguba sheegeen in arinkaasi laga heshiiyey weli lama hayo ciddi beddeli lahayd, marka laga reebo shirkad lagu sheegay ingiriis oo qandaraas lagu siiyey hawsha serverka .
Sidoo kale Komishankan cusub ayaa looga baahnaa inay sheegaan dhibaatooyinka haysta si wax loogala qabto oo waxay dawladdu ka qaban kari weydo ama diiddo inay qabato xisbiyada mucaaradka ah weydiisato .waxa qudha ee ay hayaani waa kalsooni aan la ogeyn inta ay sii socon doonto oo ay shacbiga iyo dawladdaba ka haystaan .
Dadka qaar ayaa durba aamuska komishankan cusub shaki ka muujiyey una qaatay inay dawladda sharaako kula yihiin aamuska iyo wax qarinta lagu yaqaanno xukuumadda Rayaale. Komishankan cusub ayaa qaarkood hadalhayaan inay mar kale u kici timi doonaan dal debedda ah si loosoo tababaro, halka kuwa kalena sheegeyaan in komishankan cusubi ka amar qaato dalal kale oo aan jeclayn in lasoo hadal qaado doorashooyin xor ah, dimquraadiyad iyo mucaaradba, sidaa darteedna ay ballamo qarsoon ka haystaan sidii loo taageeri lahaa ama xukunka loogu dheerayn lahaa xukuumadda maanta dalka haysata ee UDUB .
Si kastaba ha ahaatee shaqaale, guddi ama masuuliyiin kaleba waxa la bartaa marka ay gudo galaan hawl; loo xilsaaray balse hadii aan looba diran wax hawl ah ama aan laga maqal hawlo ay qabteen lama qiimayn karo wanaaggooda, xumaantooda, caddaladdooda iyo caddaladdaradooda, dhexdhexaadnimadooda iyo eexashadooda , sidaa darteedna komishanka cusubi u muuqdo mid aan weli hawl qabanin, isla markaana aan la ogeyn firfircoonaantooda , adkaysigooda, daacadnimadooda iyo aqoontooda, saddex bilood ama afar bilood ku dhawaad aanay weli wax ka farxiya xisbiyada mucaaradka, kana cadhaysiiya muxaafidka umadda u sheeginna ayaa loo qaadan karayaa wakhti ka lumay horumarinta dimuqraadiyadda Somaliland oo sii murginaya is -aaminka iyo wadashaqaynta bulshoweynta Somaliland dawlad iyo shicib, siyaasi iyo waxgaradka kaleba, sidaa darteedna aamuska komishanka qaranku sabab u yahay xumaan kastoo kusoo socota siyaasadda Somaliland haddii aanay degdeg uga farxin ama uga cadhaysiinin dhinacyada isku haya siyaasadda Somaliland, haddii ay taasi ku dhaqaaqi waayaanna loo qaadan karayo in komishanka cusub dalka aamusnaan ku duminayo, halka kuwii ka horreeyey ku dumin gaadheen hadallo been ah iyo musumaasuq balse la dareemi karayey inay ka dhaqdhaqaaq badnaayeen komishanka haatan ku oodan gurigii la fadhiisiyey maalintii xilka loo magacaabay .
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Ma Laga Yaabaa In Komishanka Qaranka Ee Doorashooyinku Dalka Ku Khalkhliyaan Aamusnaan, Halka Kuwii Hore Hadal Badan Iyo Musuqmaasuq Ku Khalkhaliyeen? "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback