Boorama-(Lug)-xisbiyada mucaaradka ah ee G/Awdal ayaa markii u horreysay si wadajir ah u dhaliilay tallabooyinka xukuumaddu ku wiiqayso heshiiskii u yaallay xisbiyada qaranka iyo dawladda, isla markaana ay joojiso arrimaha ka hor imanaya madaxbannaanida siyaasadeed iyo habsami u socodka nidaamka lagu gaadhayo doorashooyin dalka .
Warsaxaafadeed ay wadajir uga soo sareen Boorama ayna ku saxeexnaayeen xidhiidhiyaha xisbiga UCID ee gobolada Awdal iyo Selel, kana tirsan guddiga fulinta ee xisbigaasi iyo wakiilka xisbiga Kulmiye ee G/Awdal, Ibraahim Aadan Qaalib ayaa waxa uu u qorraa sidan : ‘Annagoo ka duulaynaa heshiiskii ay dawladda Somaliland iyo xisbiyada siyaasadda dalku kusoo afjareen khilaafkii siyaasadeed ee dalka gilgilay sannadkii hore ayaa dhinaca kale waxa soo baxaya tallabooyin ka dhan ah heshiiskaasi oo ay xukuumadda madaxweyna Rayaale waayadadan dambe ka waddo dalka, tallabooyinkaasi oo aan dan u ahayn geeddi socodka doorashooyinka, dimuqraadiyadda iyo xuquuqda dastuuriga ee xisbiyada siyaasaddu leeyihiin.
Arrimahan ama tallabooyinkan ayaa waxa ka mid ah in xukuumadda iyo xisbiga UDUB qaadeen olole ka dhan xisbiyada siyaasadda kuwaasoo uu hormood ka yihiin siyaasiyiinta uu ka mid yahay Cismaan Hindi, Cali gurey iyo kiuwa kale oo doonaya inay carqalad geliyaan heshiishkaasi iyo nabadgelyada la doonayo in lagu gaadho doorashooyinka .Waxooyinka xukuumaddu u qaadayso dhinaca jabinta heshiiskaasi ayaa waxa ka mid ah olole aan wakhtigiisigii la gaadhin oo ay gobolada iyo degmooyinka ka wadaan, hanjabaadaha kasoo yeedhaya guddoomiyaha G/Hargeysa ee uu leeyahay lamasoo dhaweyn karo guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka ama cid kastoo xisbiyadaasi u socota, faragelinta g/guurtida iyo xasaradda ay ka dhex waddo mudanayaasha iyo kuwa kaleba.
Haddaba annagoo eegeyna danta dalka iyo nabadgelyada guud ee dalka laguna gaadhi karo horumar iyo doorashooyin dalka ka dhaca, waxaan soo jeedinaynaa
1.In xukuumaddu joojiso ololaha siyaasadeed .
2-Inay joojiso faragelinta Golayaasha qaranka ay ku hayso ,
3-Inaysan abuurin arrimo keeni kara ammaandarro aan cidna dan u ahayn dawlad iyo shiciba ,
4-in la joojiyo xukuumadduna joojiso meelka dhacyada xuquuda dastuuriga ah ee xisbiyada mucaaradku ku soo dhaweyn karaan cid kastoo xisbiyadaasi taageerta, madaxdooda iyo masuuliyiintooda kaleba .
5.Inay xukuumadu ka waantowdo dacaayadaha ay ka waddo warbaahinteeda ee lagu kicinayo dadweynaha, masabidka iyo isticmaalka awooddo ka baxsan dastuurka oo lagu waxyeelaynayo xuquuqda muwaadiniinta noocay doonaanba ha ahaadaane .
Ugu dambayntiina waxan xukuumadda kula talinaynaa inay xakamayso siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta xisbiga Udub , kana tirsanaan jiray xisbiyada mucaaradka ee aad moodeyso inay haad u heleen cayda, aflagaadeynta iyo masabidka masuuliyiinta xisbiyadii ay ka tirsanaan jireen, kuwaasoo haddii xukuumaddu xakamaha usii deyso aan u aragno inay iyadu dabada ka riixayso , soona direyso sidaa darteedna wax kastoo dembi ah oo ay ka galaan xisbiyada mucaaradka ah aan kula xisaabtami doonno xukuumadda sare .”.
Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Masuuliyiin Sare Oo Ka Tirsan X/Ucid Iyo Kulmiye Ee G/Awdal Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Ka Waantowdo Carqaladaynta Arrimaha Doorashooyinka, Dimuqraadiyadda Iyo Ololaynta "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback