Boorama-(Lug)-Ciidanka nabadgelyada ayaa mar kale xabsiga u taxaabay fannaanka caanka ee reer Boorama C/raxmaan Maxabe oo inta badan loo yaqaan Cabdiraxmaan Dheere .isla la markaana ah isudu waha wasaaradda hiddaha iyo dalxiiska ee G/awdal.

iyadoo sida la sheegeyo fanaankaasi laga soo wareejiyey xabsiga dhexe ee Booliska oo maanta uu ku xidhnaa Ilaa imika ma jiraan wax war ah oo ku saabsan xadhigga masuulkaasi oo kasoo baxay dhinaca dawladda balse sida waxa masuulyiinta ciidanka Amnigaoo aan isku daynay inaan wax ka ogaado xadhiggiisa ay ii suuragelin kaddib markii saraakiisha ciidanka amnigu ka gaabsadeen cidda uu u xidhan yahay iyo wax loo haysto fannaankaasi, hase yeeshee warar ku dhaw xadhigga masuulkaasi ayaan la sheegeyaa inay ka dambeeyeen taliyaha qaybta Booliiska ee g/Awdal iyo qoraal ka yimid maxkamadda G/Awdal . 

Waa markii labaad ee muddo saddexbilood ku dhawaad ah ee isuduwaha wasaaradaasi xabsiga saldhigga loo taxaabo iyadoo xadhig kan ka horeeyey oo laga soo qabtay gurigiisa laga sii daayey isagoon wax maxkamad ah la horgeynin isla markaana aanay wasaaradda hiddaha iyo dalxiiska ee uu masuulka u yahay aanay xadhigga masuulkaaasi ka hadal wax dareen ahna aanay ka muujin sidaa darteedna qaar ka mid ah ehelkiisu ii sheegeen inay tahay arrimo siyaasadeed balse aanay wax xidhiidh ah la lahayn dacwadda madaniga ah ee ka dhaxaysa isaga iyo nin kale oo shicib ah.

Qaar ka mid ah ehelkiisa oo maanta xabsiga ku booqday isuduwaha ayaa ii sheegay in xadhigga soo noqnoqonaya ee fannaankaasi yahay mid caddaalad darro ah isla markaana qoraal la xidhiidha arrimahaasi uu u gudbiyey Golayaasha qaranka iyo madaxweynaha Somaliland balse aan wax jawaab ah ilaa hadda laga soo siinin sidaa darteedna ay iyagu aaminsan yihiin in tallabadani tahay mid gef ku ah xorriyaddiisa iyo masuuliyadda qaran ee uu huwan yahay.

Xubno kale oo ka tirsan qaraabadiisa ayaa sidoo kale sheegay in tan iyo markii uu madaxweyne Rayaale xukunka dalka qabsaday toddobasano kudhawaad ka hor xadhig iyo xorriyad ka qaadis badan lala dabajoogay fannankaasi, sidaa darteedna arrimha lagu haystaayi u egyihiin kuwa la xidhiidha dhinaca siyaasadda oo aanay xidhiidh la lahayn dacwadda isaga iyo nin kale u taalla maxkamadda sare ee Hargeysa ee uu qareenka u qabsaday . 

Masuulkan ama fannaankan ayaa ah kii ugu horreeyey ee weli loo xidho arrimo kala duwan, run iyo been midkay doonaanba ha ahaadaane isla markaana lagu ixtiraami waayey haybadda dawladnimada ama masuuliyadda qaran ee uu hayo, iyadoo la ogyahay in xeerka shaqaalaha dawladda ama masuulyiinta dawladda lagu qaban karaayi ka iman karo madaxdiisa, loona maro habdhaqan ka duwan kan loo maray masuulka wasaaradda hiddaha iyo dalxiiska ee G/Awdal isla markaana dacwad madani ah mar kasta lagaga qaado xoriiyaddiisa.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama