Xukuumadu way gunti xuntahay, qof guntixunna…..”
“Axmed Siilaanyo waxaan leeyahay xil uma baahnide…… ”
“golaha guurtida ee kuraastiisu dhaxalka noqotayna..”
Maxamed Jaamac Abgaal.

Boorama-(Lug)-Maxamed Jaamac Abgaal kana mid ah masuulyinta xisbiga UDUB ayaa sheegay in la gaadhay wakhtigii golaha baarlamaanka Somaliland uu dhammaystiri lahaa sharcigii dalkani kusii socon lahaa maadaama wakhtigoodu yahay mid gebogebo ah, isagoo dhinaca kalena xisbiga mucaaradka ah ee kulmiye guddoomiyihiisa Axmed Siilaanyo kula taliyay inuu iska nasto.

Maxamed Jaamac Abgaal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Boorama ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay tallaabooyinka looga baahan yahay xukuumadda Rayaale iyo g/guurtida isagoo yidhi :” waxa la gaadhay wakhti runta la isku sheegi lahaa dalkan iyo dadkanna laga badbaadin lahaa walaahawga iyo cabsida ay ka cabsi qabaan belaayo aan jirin .Xukuumadda Rayaale waxaan leeyahay waad gunti xuntihin, nin gunti xumina inuu wax xadayo ayaa la mooda, maadaama ay hayso masuuliyadda dalkan iyo dadka Somaliland waxa waajibkeedu ahaa inay sheegto sida ay u socdaan hawlhaheedu, horumarka ay samaysay iyo wax u dhiman dee hadday sheegan kari weyday yaa u sheegi waxqabadkeeda, Salaadiinta reer Awdal may tegeen jasiiadda Saacaddiin haddii dawladdu ka hadasho sida ay u siisay muwaadinka maalgashiga ku samaynaya, Salaadiintu ma joomitirraa, waxa arrintaasi keenay baan leeyahay guntixumada xukuumadda “.

Golaha baarlamaanka isagoo ka hadlaya ayaa Maxamed Jaamac Abgaal sheegay inuu dhaw yahay wakhtigi golahaasi loo qabtay inuu xeerdejinta dalka usii fadhiyo looga baahan yahay inay u diyaariyaan xeerarkii lagu kala socon lahaa isagoo yidhi  ” waxa la gaadhay wakhtigiii golaha baarlamaanka ama wakiilada Somaliland uu dalkan u diyaarin lahaa dhammaan shuruucdii lagu kala hagi lahaa umadda iyo dawladda, waxan ognahay in wakhtigii shacbigu doortay soo gaabanayo ama dhamaanayo, loomana baahna iyadoo uu kala dhiman yahay sharcigii dalkan ee boqolkiiba boqol loogu doortay inay diyaariyaan, weli uu qabyo yahay, iyagaa looga fadhiyaa inay hawshaa dhammeeyaan “.

Maxamed Abgaal oo ka hadlayy kuraasta guurtida iyo khilaafka hadheeyey ayaa sidoo kale sheegay in golahaasi noqday gole kuraastiisu dhaxal noqotay oo ay maanta fadhiyaan dad aan ahayn dadkii hore, sidaa darteedna loo baahan yahay in golahaasi noqdo mid lasoo noqda sidii uu ahaa waayihii la doortay, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi ” Waxa la ogaaday in xubbin kasta oo ka tirsan golahaasi guurtida ee saacaddiisii dhammaatay ama ajalkiisii yimid lagu beddelay ama kursigiisii ay fadhiisteen xubno dhaxlay maruumiintaasi, halkaasina ay isugu yimaaddeen dad ama xubno kala duwan oo aan isku fikir iyo isku aragti toona ahayn, khilaafna ka dhex oogmay, khilaafkaasina dan uma aha shacbiga iyo dawladda, kuraastaasi dhaxalka noqotayna wax weynbay ka riday golahaasi ee ilaahay ha tuso jidka toosan, khilaafkoodana hasoo afjaraan si ay umadda ugu shaeyaan “.

Dhinaca dhaqaalaha isagoo ka hadlaya ayaa masuulka xisbiga udub soo qaaday tallaabooyinka baanka Somaliland ka qaaday arrimaha lacagta Somaliland ee qiimaheedu taagan yahay meel qudha, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Anigoo ka faa’iideysanaya xirfaddayda shaqo ee la xidhiidha dhinaca baananka, waxaan Baanka Somaliland ku ammaanaya siyaasaddiisa dhinaca lacagaha ee uu qiimaha shilinka Somaliland weli taagan yahay halkii uu taagnaa tobansano ku dhawaad ka hor, iyadooa la ogyahay sida dhaqaalaha dunidu u wareeray ee isbedelada kala duwan iyo qiimo jabka badani ku dhacay lacagaha caalamka ayaan shilinka Somaliland arimahaasi wax saamayn ah ku yeelan , sidaa darteedna ayuu baanka Somaliland mudan yahay in la xuso sida hawshaasi uu u gutay “.

Dhinaca xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye isagoo ka hadlaya waxa uu Maxamed Jaamac Abgaal yidhi ” Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye waa nin masuul ah oo xisbi qaran ah, aanan ixtiraamayo , waxa kale oo aAn kula talin lahaa guddoomiyaha xisbiga Kulmiye in wakhtigan Aanu u baahnayn xil uu qabto ee uu u baahan yahay nasasho uu ka nasto siyaasadda”.

 

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama