Xoolihii Biyo La’aan Ayay u Dhimanayan…. Abaaruhuna waa kuwo Gaystay Qasaare Baahsan..” Badhasaab ku Xigeenka Gobolka Awdal
Boorama-(Lug)-Badhsaabku xigeenka gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal oo kormeero shaqo ah ku maraya degaano ka tirsan degmada Lughaya ayaa ka dayriyay xaalada biyo la’aanta ah ee uu gaysatay ceelkii ugu balaarnaa degaankaasi ee Kalawle oo ah mid ay ka cabaan dadka iyo xoolaha ugu tirade badan ee degaankaasi degmada Lughaya.
Badhasaab ku xigeenku waxa kale oo uu ka dayriyay qasaaraha ay ilaa hada gaysteen abaarahu waxana isaga oo ka waramaya xaaladan uu yidhi ” Markii uu ceelkii Kalawle jabay mud laba todobaab ka badana uu cadilnaa xoolihii waxa ay u arooreen dhul aad u fog waxan aad wadada hareeraheeda ku arkaysaa xoolo badan oo u dhintay biyo la’aan. Qasaarahu ma ha intan oo kaliya ee abaartu waxa ay dadka u taabatay si wayn badi dadkuna way baro kaceen kadib markii ay caydhoobeen.
Badhasaab ku xigeenku ma sheegin wax gargaar ah oo ilaa hada dadka degaanadaas soo gaaray waxana uu ugu baaqay mar kale in hayadaha ay qusaysaa ay ka soo jawaabaan baaqyada qaylo dhaanta ah ee ka soo yeeraya dagaanada ay abaaruhu taabteen.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Ceelkii Biyaha Ee Kalawle Oo Jaban Iyo Biyo La’aan Laga Dayriyay Oo ka Jirta Degmada Lughaya "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback