Boorama-(Lug)- bandhigii 15aad ee madasha Akhriska ee Maskaxmaal ee Magaalada Boorama ayaa qabsoomay xalay,Madashan oo sidii caadiga ahayd ka dhacday xarunta jaamacada camuud ayaa waxa ka soo qayb galay dadwayne aad u tiro badan oo hoolka uu bandhigu ka socday camiray waqtigii loogu talo galay.

Habeenkii xalay oo uu nasiuib u yeeshay Mud. Axmed Aadan Colhaye ayaa waxa lagu soo bandhigay bug ku qoran afka carabiga oo ka waramayay xaalada dhabta ah ee ay maanta ku sugan yihiin dalalka muslinka ah. 

Mud. Cabdirashiid Maxamed Cabdilaahi oo habeenkii xalay ahaa ku hadlayay magaca hadasha ayaa  aad ugu mahad naqay ka soo qaybgalayaasha, bandhigaha buuga iyo waliba jaamacada Camuud iyo iyadu markasta marti galisay kulanada bilayaasha ah ee ay madashu qabato, mar uu ka hadlayay waxa u qabsoomay madasha ayaa waxa uu yidhi ” waxa ay madashu jirtaa in ka badan sanad iyo badh waxaana hubaal ah in la gaadhay qayb ka mid ah ujeedooyinkii loo aasaasay madasha, waxa hubaal ah bulshadeenu ay tahay mid hadalka kaga wanaagsan qoraalka laakiin waa lagama maarmaan in la baro bulshada in wax la akhriyo, fariintaasina waa mid aan u shiibayno cid walba oo madashan fgadhida, waana hubaal in hadii aad xil iska saartaan inaad idinku wax akhridaan bulshada inteeda kalana u sheegtaan ahmiyada akhrisku leeyahay in maalin maalmaha ka mid ah  ay xaqiiqoobi doonto ujeedadii ugu muhiimsanayd ee madasha loo aasaasay.

Marka loo soo laabto bandhigii xalay oo uu daadihinayay Mud. Axmed Aadan colhaye ayaa waxa uu ku soo bandhigay macluumaadka uu xambaarsanaa buugii uu soo akhriyay, waxa uu si faahfaahsan u iftiimiyay in dhibaatooyinka maanta haysta dunida muslinka ahi ay yihiin kuwo laga bixi karo hadii la fahmo waxa ay dhibtu tahay, waxa kale oo uu taataabtay in qaaraagu uu xusay meesha ay salka ku hayso khibaatooyinka maanta ka jira dunida muslinka ah oo uu yidhi waxa ay isugu jiraan kuwa la dhaxlay, kuwo ay dadkeedu kasbadeen iyo kuwo aanay maanta waxba ka qaban karayn.

Mar uu bandhige Colhaye ka waramayay waxa uu ka fahmay buugan iyo dhibaatooyinka hor yaala bulshada Somaliland ayaa waxa uu xusay in shaqola’aantu ay tahay mid u baahan in loo soo jeesto sidii looga bixi lahaa, waxa kale oo uu xusay in bulshada looga bahan yahay inay fahan to ahmiyada uu leeyahay afka hooyo oo loo soo jeesto sidii loo qori lahaa loogana dhigi lahaa mid dhaxal u noqda jiilka soo koraya.

Bandhigii xalay ayaa ahaa mid la isku waydaarsaday su’aalo aad u tiro badan oo dhamaantood xidhiidh la leh waxa uu qoraagu ku qoray buugii xalay la soo bandhigay, waxa lagu gorfeeyay sida ugu haboon ee looga faaiidaysan karo iyada oo la isku baraarujinayo in loo guntado sidii loo fahmi lahaa maanta dhibta haysata bulshada barina loogu gogol xaadhi lahaa sidii xal loogu heli lahaa

Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama