Boorama-(Lug)-Roob si wayn loogu qaboowsaday ayaa galabta ka dul hooray magaalada Boorama, roobkan oo bilowday 2:30 duhurnimo ee maanta ayaa waxa uu ahaa mid ilaa maanta la dareensanaa inuu da’ayowaxana circa ka muuqday daruuro badan oo hogol roobeed wata oo ay ka soo butaacayso naacoow xareeded.Inkasta oo aanu roobkani biyo dhigin hadana waxa uu noqday mid si wayn loogu qabowsaday isla markaana ay dad badani ku micneeyeen inuu yahay dhibic lagagabaxo abaaraha jira tii ugu horaysay ee ay sugayeen.
Sidoo kale roobab kale ayaa laga soo sheegayaa inay ka curteen degaano ka ttirsan degmada Boon oo ka mid ah meelaha ay abaaruhu ragaadiyeen,Maayarka magaalda Boon raage Cismaan Waabari oo khadka lateefanka kula soo xidhiidhay shabakada Lughayanews ayaa u xaqiijiyay in roobabkani ay ku da’een meelo badan oo degmada ka mid ah waxana uu yidhi “Roobab ayaa maanta nagu da’ay socday mudo 2 saac iyo ka badan, waxa ay roobabkani ku da’een deegaano baahsan oo degmada ah.
Waxa na soo gaadhaya oo kaliya inaanu ku da’in deegaanada Dhagaxa madoow, Ceelbaxay iyo xaliimaale. Inta kale waa la qaboowsaday waxana aan rajaynaynaa in abaartii uu naga saaro.
Sidoo kale mid ka mid ah rakaabka baaruurta ka timaada Djibouti oo xalay u hoyday Boon oo la hadlayay wariyayaasha shabakada ayaa yidhi ” xalay oo dhan hilaaca roobku waxa uu ahaa mid meelo fog ka muuqday, Boon intii aan ku sugnaa xalay salaadkii subax ka dib ayuu ku hooray roob aan badnayn balse laga mahad sheeganay.
Sikastaba ha ahaatee roobabkan maanta bilowgoodii curtay ayaa ah kuwo la saadaalinayay isla markaana ay dadka badidiisu aad u sugayeen, waxana lagu kalsoon yahay in hadii roobabkani ay si fiican u biyo dhigaan ay soo afjari doonaan abaaro is xigay oo mudo haystay degaano badan oo ka tirsan degmooyinka gobolada Awdal iyo Salal
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Roobab Lagu Qabowsaday oo Galabta ka Da’ay Boorama iyo Degaano Kale oo KaTirsan Degmada Boon "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback