Boorama-(Lug)-Ururka hablaha ee Moonlight ee fadhigiisu yahay magaalada Boorama ayaa soo gabagabeeyay tababar ku saabsan hogaanka iyo gabdhaha oo la siinayay 30 gabdhood oo da’doodu u dhaxayso 18ilaa 25 jir. Tababaradan oo ay soo qaban qaabisay dalada dhalinyarada ee SONYO ayaa waxa maalgalinaysa hayada unicef waxana Boorama ka fulinaya ururka gabdhaha ee Moonlight.
Tababarkan oo xidhidoodii uu goob joog u ahaa isuduwaha dalada SONYO ee gobolka Awdal Maxamed Aadan Ibraahim ayaa waxa ka hadashay Gudoomiyaha Ururka Moonlight Asra Sh. Cabdilaahi Sh. Cali waxana ay uga mahad celisay ka soo qayb galayaasha sida ay balanta u soo aqbaleen, waxa kale oo ay ka warantay Gud. Asra in tababarkani uu qayb ka yahay tababaro taxane ahoo socon doona ilaa bisha Abriil looguna talo galay in mawduuca hogaanka wanaagsan iyo sidioi ay gabdhuhu uga qayb noqon lahaayeen lagu gaarsiiyo 120 gabdhood mudadaas. Waxa ay uga mahad naqday hayada unicef iyo Dalada SONYO kaalinta ay ka gaysteen fulinta mashruucani, waxa kale oo ay ka warantay Gud. Asra in ururka Moonlight uu xil gaar ah iska saarayo kor u qaadida wacyiga guud ee haweenka iyo dhalaanka isla markaana mudadii uu ururku jiray ay qabteen waxqabad muuqda oo ay bulshadu ka marag kacayso oo ku aadan sidii loo kobcin lahaa gabadha Somaliland ee dhinacyada caafimaadka waxbarashada, xuquuqda iyo ka qayb qaadashada hogaanka haboon.
Gud. Asra mar ay ka waramaysay tababarkan iyo ahmiyada uu u leeyahay gabadhaha ka qayb qaadanaya ayaa waxa ay xustay in la gaaray waqtigii ay bulshadu ka faaiidaysan lahayd hibooyinka rabaaniga ah ee ay gabadhu leedahay iyada oo looga faaiidaysanayo dhinaca hogaanka haboon. Waxa ay xustay in tababarkani uu ka caawin doono gabdhaha sidii ay u daahfuri lahaayeen awoodahooda qarsoon ee dhinaca hogaanka ahisla markana ay noqon lahaayeen kuwo si dhiiran u doona in ay gabadhu xaq u leedahay in lagu barbaariyo hogaan wanaag si qoyska oo ah unuga ugu yar bulshadu uu u noqdo mid hogaankiisu saxan yahay.
Isuduwaha dalada SONYO ee gobolka Awdal Mud. Maxamed aadan Ibraahim ayaa isaguna sheegay in SONYO ay xil iska saarayso sidii loo kobcin lahaa garaadka dhalinta reer Somaliland waxana uu si wayn ugu mahadnaqay ururka Moonlight oo uu tilmaamay in uu yahay mid xil wayn iska saaray hawlaha waxqabadka ah ee ay bulshada u hayaan.
Tababarada noocan oo kale ah ayaa waxa ay yihiin kowo hore u qabsoomi jiray isla markaana looga bartay in uu ururka Moonligh isku soo duba rido waxana tababaradan hore uga faa’iidaystay gabdho aad u tiro badan
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Ururka Moonlight oo Tababar Dhinaca Hogaanka Ah U Qabtay 30 Gabdhood oo Dadoodu U Dhaxayso 18-25 Jir "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback