dsc00056.JPGBorama-(Lug)-Dadweynaha magaalada Boorama ayaa shalay gelinkii hore isugu soo baxay a dhinacyada wadada keliya ee laamiga ah  si ay u arkaan ku dhawaad sideed koontaynar oo saaran gaadiidka  dhaadheer ee caanka ka ah dekedda Berbera. Hargeysa iyo Booramana cidhiidhiga ku dhex mari kara . Dadweynahan oo qaarkood daawanayeen dhererka kontaynarada saaran iyo wax ku jira oo ay ka sheekaynayeen, qaarna daawanayeen  wiishashka , cagafyada iyo riigga biyaha, ayaa aakhirataanka gaadhay goob ku taalla bariga magaalada Boorama ,isla markaan hawl ku saabsan sidii qalabkaasi looga dejin lahaa gaadiidka ay saran yihiin.

dsc00056.JPG

Qalabkan oo ah kii ugu horreeyey  ee qurbajoogga ah reer Awdal  kasoo dejiyaan  dalka ama gobolka Awdala ayaa waxa leh ganacsadaha reer Boorama  ah oo ku nool dalka Canada lana  yidhaa  Maxamed Jaamac  Aye (Uurdoox) iyadoo sida la sheegeyo qalabkaasi isugu jiro  wershedo yaryar oo aan la sheegin waxay farsamayn doonaan, wiish, cagafyo iyo riigga Biyaha  soo saara oo sida la sheegay qodi kara ilaa 400 oo nitir dhulka hoostiisa.

dsc00057.JPG

Dhinaca kale gaadiidka siday qalabkan oo aan darawaliintiisa  wax ka weydiiyey siday kusoo mareen jidka burbursan ee u dhexeeya Boorama iyo  dila ayaa ii sheegay inay 20 saacadood usoo kala socdeeen Boorama iyo  Berbera, isla markaana ay dhibaato ka muteen godadka rafka ah, jeexjeexyada iyo dhagaxa taagtaagan  oo gaadiidkaasi  iyo qalabkaasi rafaad kusoo mareen.

dsc00059.JPG

Sidoo kale ayaa qaar ka mid darawaliintaasi sheegeen in markii ay Boorama soo gaadheen ay dhibaato kala kulmeen siday u mari lahaayeen magaalada dhexdeeda oo ay  gaadiidkaasi uga baqayeen xadhkaha dabka, kuwa isgaadhsiinta  iyo guryaha  oo  gaadiidkaasi ka qabsanayey xagga sare ama xagga dambe, taasina ay ugu wacantahay jid la’aanta magaalada ka taagan.

Idiris Jeermaan kana mid ah farsamayaqaanadii gaadiidkaasi iyo qalabkaasi kasoo raacay Berbera  ayaa ii sheegay oo yidhi Ma jiro wax jid la yidhaa oo gobolkan la mari karraayi, horumar la gaadhi maayo inta jidkeennu sidaa yahay, tobannaaan jeer ayaa xukuumadda loo sheegay .Hadii aanan cagaftaasi wadan, gaadiidkaasi iyo qalabkaasi ma gaadheen Boorama ee dhexda ayey ku burburi lahaayeen, mar kastana intaan joogsanno ayaan cagaftaasi ku aasaynay godadka aan uga baqno inay gaadiidkaasi ku rogmadaan “.

Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama