Garbo-Dadar (lug)- Murashaxa madaxwayne Ku xigeenka Xisbiga KULMIYE Eng:C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici iyo wafdi heersare ah oo uu hogaaminayay oo kormeer dhinaca abaaraha ah ku soo maray deegaanno ku yaal Bariga Gobolada Salal iyo Awdal
, ayaa si heersare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Garbo-Dadar ee xarunta degmada GarboDadar.

wafdigan oo tuulooyin iyo degmooyin kala duwan soo maray ayaa markii uu soo gaadhey magaalada Garbo-Dadar lagala hortagey ciyaaro, mashrcarad ay dadwaynaha reer Garbo-Dadar ku cabirayeen farxaddooda ku aaddan xisbiga Kulmiye oo ay sheegeen inuu ka damqaday dhibaatada abaareed ee deegaannadooda ku habsatay.
Waftigaas ayaa waxa hoggaaminayey, Eng:C/raxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, waxaana ka mid ahaa wasiirkii Hore ee Kalluumaysiga SomaliLand Axmed Xuseen Oomane. Prof. Ismail mu’min Aare, Xil:Abiibakar C/raxmaan good,. iyo garab haween iyo dhalinyaro iskugu jira oo ka tirsan taageerayaasha xibiga Kulmiye, iyada oo uu wafdigu guud ahaanba ka koobnaa 12 siyaasi.
Eng. Saylici oo xafladdii soo dhawaynta ee Garbo- Dadar ka Hadley ayaa sheegey inay xisbi ahaan ka damqanayaan dhibaatooyinka abaareed ee ku habsaday deegaanno badan oo ka mid ah Somli Land, islamarkaana waxa uu Saylici dhaliilay waxqabadka xukuumadda Somali Land oo uu sheegey iney ka gaabisey kaalinteedii looga fadhiyey ee ku aaddaneyd abaaraha.
Sidoo kale Saylici ayaa sheegey inuu xisbiga Kulmiye ahamiyad wayn siini doono arrimaha horumarka iyo caddaaladda, dedaal badanna ku bixin doono wax ka qabashada baahiyaha taagan haddii uu ku guuleysto hoggaanka Somali Land.

Prof. Ismaaciil Muumin Aare ayaa isaguna ku nuuxnuuxsadey inuu uuna habayaraatee wax rajo ah lahayn nidaamka manta ka taliya Somali Land, wxuuna sheegey in ninka 7 sannadood wax ku qaban waayey uuna bilo gudohood waxba ku xaqiijin Karin.
Wasiirkii hore ee Kalluumeysiga Somali land Axmad Xuseen Oomane ayaa isna ka warramay caddaalad darradii iyo maamulxamadii sida uu sheegey uu uga tegey xukuumadda iyo xisbiga Udub, wuxuuna ku celceliyay waxqabad la`aanta xukuumadda Somali Land, wuxuuna ugu baaqay reer Garbo-Dadar iney aayahooda ka tashadaan.
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee degmada Garbo-Dadar Ramadaan Cabdillaahi Gaxshani ayaa isaguna sheegey iney reer Garbo-Dadar si buuxda ugu kalsooyihiin xisbiga Kulmiye, wxuuna yidhi : aad baannu idiin taageersannahay ilaa ciiddaana Kulmiye ah.
Sidoo kale Xil. Abokor CabdiRaxmaan Good, xil. Tukaale, boqor Cismaan Barkhad Xirsi, Sul. Daahir Cismaan Cilmi iyo Sul. Siciid Muxumad Cali ayaa iyaguna meel kaliya uga soo wada jeestey waxa ay ku tilmaameen daaayaca haysta degmada Garbo-Dadar iyo sida ay shacbiga deggani u dulmanyihiin waa sida ay hadalka u dhigeene.
Marwo Caasha Cabdillaahi Kalluunle oo ku hadleysay mgaca haweenka wafdiga la socday ayaa iyana reer Garbo-Dadar ugu baaqdey iney si dhab ah uga faa`iideystaan xuquuqdooda sharciga ah islamarkaana ay codkooda ku ciil baxaan.
Socdaalka xubnahani waxa uu qayb ka ahaa kormeer ay ku soo mareen deegaanno kala duwan oo ka tirsan bariga gobollada Selel iyo Awdal, islamarkaana ay ugu kuurgalayeen xaaladda abaareed ee ka taagan deegaannadaasi oo ay ku soo arkeen xoolaha oo si wadar ah u lee`da iyo dad badan oo ku caydhoobey ismarkaana guryohoodii ku hadhay iyaga oo fara madhan qarkana u saran iney raacaan xoolahoodii lee`day.
Waftigan oo soo maray Magaalooyin iyo tuulooyiin aad ubadan ayaa dhulkii ay soo mareen waxa ka mid ahaa,Cammuud, Bakidii hore, Bakadii Danbe, Xamarta Cad, Xooray, Carro wayne, kalabaydh, Sheed Dheer, Garbo Dadar iyo tuulooyin kale oo farabadan.
Sida la ogyahay waxaa deegaannadaasi booqdey todobaadkii hore xubno ka tirsan Xisbiga haya talada Somali Land ee UDUB , waxayna soo kormeerayeen xafiisyada UDUB ku leeyahay deegaannadaasi iyo taageerayaashiisa.
Lughaya News- Garbo-Dadar


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Zaylici Iyo Wafdi Uu Horkcayo Oo Soo Kormeerey Abaaraha Galbeedka S.Land Iyo GarboDadar Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback