Taageero Xoogan ayaan dhamaantayo U haynaa Tababare Samaroon waana….Kabtan Nagiib..”
Boorama-(Lug)-Ciyaaryahanada xulka kubada Cagta ee gobolka Awdal ayaa maanta saxaafada si kulul ugu sheegay in aanay waxba ka jirin go’aanka ay sheegtay wasaarada Isboortiga ee gobolka Awdal inay ku bedeshay tababarihii xulka Kubada Cagta ee Gobolka Awdal Md. Samaroon Cabdilaahi Cilmi.
Arintani waxa ay soo cusboonaatay maalin kadib markii isuduwaha isboortiga ee gobolka Awdal Cabdiwahaab Yuusuf Ibraahim uu sheegay in Tababare Samaroon Cabdilaahi Cilmi uu xilkii loo igmaday ka soo bixi waayay isla markaana lagu badalay tababare kuxigeenkiisii md. Casan Maxamed Afgeed waxana uu yidhi ” Si kumeel gaadh ah ayaan u magacawnay tababare kuxigeenkii xulka Xasan Afgeed inuu sii hayo xilka sababtuna waxay tahay iyada oo uu tababarihii xulka aan u magacawnay uu xilkiisii ka soo bixi waayay”.
Marka dib loo jaleeco hadaladii maanta ka soo yeedhay ciyaaryahanadii xulka ee saxaafada ka hadlay in go’aankaasi uu yahay mid meel ka dhac ku ah hormarka uu sameeyay waqti xaadirkan xulka kubada cagta ee gobolku, ciyaaryahan Muxiyadiin Feedho-geele oo ka mid ah xulka gobolka Awdal ayaa yidhi” ma jirto waxa ay wasaaradau noo qabatay samaroon isaga ayaa wax walba oo ciyaaryahan u baahnaa noo qabtay, waxa uu dadaal u galay sidii aan u noqon lahayn xul jira mudo sanad iyo badh ah oo uu xilka hayay, hadii ay wasaaradu leedahay waan bedelnay waxa ay la micno tahay iyada oo loo jeedo in xulkii gobolka la baabiinayo, waxaanan bulshada ugu baaqayaa in laga qabto Cabdiwahaab Yuusuf oo ahmidka isagu dib u dhaca ugu wacan isboortiga gobolka. Mar la waydiiyay ciyaaryahan muxiyadiin in hadalkiisaloo micnaysan karo inuu diidan yahay tababaraha cusub ee loo magacaabay xulka ayaa waxa uu yidhi ” maya maya saas maaha laakiin lama joogo maalin xulka wax laga bedelo waxa soo dhamaaday safar aan Djibouti ku tagi lahayn Cabdiwahaabna waxa uu ugu talo galay in uu meesha ka saaro safarkaas oo uu baajiyo… lama joogo waqti isbedel Macalin Samaroona oo ninka ugu haboon ee maanta gacanta ku haya xulka”.
Kabtanka xulka gobolka Awdal Nagiib Xuseen Samaale oo isaguna ka hadalay madashan ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan tababare Samaroon waxana uu yidhi ” Samaroon waan taageersanahay Abid…waxa uu salka u dhigay xul mustaqbal leh oo lagu faano hortii iyo dabadiina uma malaynayo inuu xulku maanta ka fiican yahay, waan isku duubanahay waxana aan u haynaa Tababare Samaroon taageero iyo kalsooni aanan yarayn. Mar Kabtan Nagiib wax laga waydiiyay waxa keenay in maanta la bedelo tababare Samaroon ayaa waxa uu yidhi ” Ma aqaan kolay waa wasaarada mida rabta inay baajiso safarka aan ku tagayno Djibouti waxa ay leedahay wax walba ha laga soo bilaabo meel hoose taasina lama qaadan karo… ma jirto wax waxqabad ah oo ay u hayso isboortiga gobolka waanan nasiib daro inay sidan wax yeelaan, waxana aan aaminsanahay inuu xalku yahay in dhalinta ay wasaaradu u ogolaato waxa ay rabaan”.
Waxa kale oo suurto gashay in wax laga waydiiyo Md. Xasan Afgeed xilka cusub ee la sheegay in loo magacaabay waxana isaga oo ka jawaabaya uu yidhi ” Shaqo kuma lihi xilkaas ma qabanayo mana doonayo inaan qabto, Samaroon waa macalin wanaagsan ma badali karo anigu waanan jecelahay inaan la shaqeeyo mana jirto cid badali karta”.
Madashan maanta ayaa waxa ku sugnaa qaar ka mid ah ciyaaryahanadii 90aadkii ee garoomada kubada cagta ee magaalada Boorama oo qaarkood ay aad u dhaliilsanaayeen siada ay wasaarada isboortigu u gudanayso waajibaadkeeda. Mahdi cabdi Idiris oo ka mid ah ciyaayahanadii waayo-waayo ayaa waxa uu cabiray dareenkiisa waxana uu yidhi ” Anigu ma ciyaaro maanta laakiin waxa aan ka hadlayaa waxa aan goobjooga u ahaa maalmahan dambe…isboortiga gobolka waxa guul gaarsiiyay ninkii la oran jiray Ina-aw-karkoor, dhalinta ayaa ku kacday oo waxa aan ku badalnay anadkii 1996kii dabayaaqadiisii cabdiwahaab Yuusuf ilaa maanta ma jirto wax uu qabtay.. anigu waan ciyaari lahaa maanta laakiin Cabdiwahaab iyo wasaarada ayaa iigu wacan inaan ka door bido qayilaada.. waxa aan leeyahay ha laga qabto ciyaaraha cabdiwahaab sababtoo ah dhilintii maanta ayaaba la arkayaa inay niyad jabsan yihiin oo ay tahriibayaan intoodii hadhayna waxay isku diyaarinayaan inay mijilisyada Jaadka lagu cuno u ciyaar tagaan.
Si kastaba ha ahaatee waxa xiisadahani ay hakad galiyeen xulka kubada cagta ee Gobolka Awdla safar uu ku tagi lahaa dalka Djibouti taasi oo Isuduwe Cabdiwahaab sheegay in ay qurbo joogu ka soo bixi waayeen kaalintoodii balanqaad ee safarkaasi isla markaana ay wasaaradu ka sugayso jawaab celin wasaarada dhigeeda ah ee dalka Djibouti, balse ay ciyaaryahano badani aaminsan yihiin in aanu suurto galayn hadii maantaba ay wasaaradu ku adkaysanayso waxa ay ugu yeedhay xilka qaadista ay ku samaysay macalinkii xulka kubada cagta ee Gobolka Awdal Samaroon Cabdilaahi Cilmi.
Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Xulka Kubada Cagta ee Gobolka Awdal Oo Ku Gacan-saydhay Go’aan kasoo Baxay Isuduwaha Isboortiga Ee Gobolka Oo Lagu Badalayay Tababare Samaroon. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback