muuqaalka-biraha-iskarabiska-ee-xarunta-kaarayaasha-boorama-10.JPG

Boorama-(Lug)-Hadhaagii kaarayaasha dawladii hore ee daaadsan duleedka magaalada Boorama ayaa mar kale la bilaabay in la furfurto, markan waxa birahaas loo furfuranayaa si aan xatooyo ahayn, waxa goobtaas jooga rag Itoobiyaan ah oo isticmaalaya Oxygen wax lagu dhalaadilyo isla markaana aad dareemayso in ay farsamo u leeyihiin qaabka loo kala daadiyo bira calculus ee la mid ah kuwan kaarayaasha oo kale.

muuqaalka-biraha-iskarabiska-ee-xarunta-kaarayaasha-boorama-11.JPG

muuqaalka-biraha-iskarabiska-ee-xarunta-kaarayaasha-boorama-16.JPG

Dadka degaanka oo ay shabakada wararka ee Lughayanews wax ka waydiisay ayaa waxa ay u sheegeen in ilaa maanta ay goobtan joogeen rag labisan dirayska ciidamada iyo rag kale oo Itoobiyaan ah oo ka shaqaysanayay furfurida kaarayaashaas qadiimiga ah.

muuqaalka-biraha-iskarabiska-ee-xarunta-kaarayaasha-boorama-13.JPG

muuqaalka-biraha-iskarabiska-ee-xarunta-kaarayaasha-boorama-12.JPG

Ilaa hada ma jiraan wax masuuliyiin ah oo ay noo suuro gashay inaan wax ka waydiino waxa sababay in birihii Iskaraabka ahaa ee mamnuuca ay ahayd in la furfurtaa sababtay in si kalsooni leh loo furfurto iyo waxa ay askarta labisani ka qabanayaan goobtaas.

 muuqaalka-biraha-iskarabiska-ee-xarunta-kaarayaasha-boorama-7.JPG

muuqaalka-biraha-iskarabiska-ee-xarunta-kaarayaasha-boorama-14.JPG

Si kastaba ha ahaatee waxa hubaal ah in arintani ay noqon karto mid ay wax ka ogyihiin masuuliyiinta sarsare ee heer dagmo aha gobol ee ku sugan gobolka Awdal, lamina oga waxa ay tahay dulucda ka dambaysa in birahaas maanta loo furfurto si kalsooni leh.waxana ay dad badani xasuusan yihiin in biraha iskaraabka ah ay xukuumada gobolku mamnuucday isla markaana ay jireen dad hore oo loo xidhxidhay iyagoo ka ganacsanaya.

muuqaalka-biraha-iskarabiska-ee-xarunta-kaarayaasha-boorama-8.JPG

muuqaalka-biraha-iskarabiska-ee-xarunta-kaarayaasha-boorama-4.JPG

Lughayanews-Boorama