Xukuumadu Bari Ayay Awooda Saartay Galbeedna Way Ka Sii Jeesatay…. Maayar Ku Xigeenka Boorama Md.Muumin Gadiid”

Boorama-(Lug)-Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Dagaanka ee Degmada Boorama Md. Muumin Gadiid Cumar oo maanta khadka taleefanka kula soo xidhiidhay shabakada wararka ee Lughayanews ayaa si kulul ugu dhaliilay xukuumada in ay ka gaabisay qaabka gaabiska ah ee ay uga jawaabtay gurmadaka ay u baahnaayeen dadka gobolada Awdal iyo Salal ee ay abaaraha iyo roobka xigay waxyeeleeyeen.

Maayar Ku xigeenkan Muumin Gadiid Cumar ayaa waxa uu isaga oo ka hadlaya arimahan yidhi ” Xukuumadu way ka dhaga adaygtay inay ka soo jaabto baaqayagii gurmadka taageeraha ah ahaa ee ay u baahnaayeen dadka ku nool deegaanada gobolada Salal iyo Awdal, waxa kale oo intaas dheer xukuumadu waxa ay awooda saartay inay si aad ah ugu gurmato dhinaca Bariga ee dalka waanay ka gaabisay inay u soo gurmato dhinaca Galbeed ee dalka waxaanan leeyahay Bari iyo Galbeed waa isku mid oo waajib ayaa idinka saran ee u gurmada”.

Sidoo kale waxa uu si kulul u caanantay Maayar Kuxigeenku qurbo jooga reer Awdal iyo Salal iyo masuuuliyiinta ka soo jeeda goboladan ee ka soo jeeda degaanada Awdal iyo Salal, waxana uu sheegay in uu xil gaar ah ka saran yahay gurmadka ay ubaahan yihiin degaamada ay ka soo jeedaan ee goboladan. Waxana uu dalbaday inay meesha ka saaraan hagrashada oo ayu soo gurmadaan dadka degaanadaasi.

Mudane Muumin Gadiid waxa kale oo uu markale ka digay in khatar cawaaqib xun oo caafimaad daro iyo bini’aadanimoba ay ka dhalan karto dhibaatooyinka ay u gaysteen roobabkii ugu dambeeyay ee  ka da’ay degaanada gobolada Awdal iyo Salal oo uu xusay in ay xoolo badan laayeen isla markaana bara kiociyeen dad badan.

Wariye:-
Abokor Xasan Caafi
Lughayanews-Boorama