…. Waxa Ugu sii Daran Deegaanada Kala ah Fadhixun, Geerisa, Ceelgaal, Jidhi, Laanta Morohda, Xoogfaras, Fardaha, Fiqi Aadan iyo Sh. Awaare …”
Boorama-(Lug)-Kooxo gurmad ah oo isku dhafan oo ka kala socday wasaarada caafimaadka ee heer gobol iyo hayada bishacas ee gobolka Awdal qayteeda gurmadka degdega ah ayaa ka soo laabtay safari ay ku tageen deegaamo ka tirsan degmooyinka Baki Boon Boorama iyo Saylac, halkaas oo ay roobab xoogan oo ka da’ay mudo 7aad ah ugu gaysteen qasaare badan dadka iyo duunyada degaamadaasi.
Gudidan oo maanta shir jaraa’id oo degdeg ah ku qabatay xarunta bisha cas ee Boorama isla markaana ay goobjoog la ahaayeen isuduwaha caafimaadka ee gobolka Awdal iyo Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Awdal cabdi Nuur Sugaal ayaa sheegay in xaaladu ay noqotay mid aad u khatar badan oou baahan gurmad degeg ah.
Madaxa caafimaadka aasaasiga ah ee gobolada Awdal iyo Salal Md. Maxamed Cumar Xaaji Yaabe oo shirkan jaraa’id ka hadlayay ayaa yidhi degeenada kala ah Cabdiqaadir Fadhixun, Geerisa, Ceelgaal, Jidhi, Laanta Morohda, Xoogfaras, Fardaha, Fiqi Aadan iyo Sh. Awaare intaba way taabatay dhibaatadu, xoolahii way ka dhamaadeen dadka oo waxa dilay roobabka duufaanada barafka ah watay ee ka da’ay deegaamadaasi, waxa laga cabsi qabaa in ay xanuuno ka dilaacaan deegaamadaas sababtuna ay tahay xoolaha tirade badan ee aan la aasi karayn eek u dhintay deegamdaas, meelha qaar waxa aan ku soo aragnay in ay aqaladii girgidaha ahaa ku dumeen dadka inkasta oo aanay wax yeelin hadana ay roobabkaasi sababeen in dad badani ay baro kacaan”.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Awdal cabdi Nuur Sugaal oo ka hadlay madashan ayaa ka dib markii uu dhagaystay warbixintaasi ku dhawaaqay qaylo dhaan caalami ah oo ku socota dhamaan laamaha gurmadaka ee xakuumada kuwa caalamiga ah iyo qurba jooga waxana uu ka dalbaday in deegaanadaas lala soo gaadho girmadka dagdaga ah ee ay ugu horeeyaan bacaha guryaha laga samaysto iyo cuno.
Roobabkan barafka wata ayaa lagu soo waramayaa in sidoo kale ay xoolo geel u badan ku dileen degaano kale oo ka tirsan degmada boon gaarahaan degaamada Gargooray.
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lugahanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Roobab Da’ayay Mudo 7aad Ah Oo Xidhiidh Ah oo Waxyeelo Badan Gaarsiiyay Degaamada Degmooyinka Saylac Baki, Lughaya iyo Boorama. "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback