Saylac-(Lug)- Ilaa shalay waxa ku sugun magaalada Salac 3 xubnood oo ka tirsan komisanka Qaranka oo uu horkacayo md. Faarax Isbiimo. Xubnahan ayaa la sheegay inay kulano kala duduwan la yeesheen masuuliyiinta iyo dadka degaanka.
Kulanada ilaa shalay ay la yeelanayeen dadka degaanka Saylac masuuliyiintan ayaa ahaa kuwo xidhan oo aan saxaada loo ogolayn. Waxa kale oo wararku ay sheegayaan in ay si gaar ah xubnahaas kumishanka ahi u magacaabeen 6 xubnood oo ka hawlgali doona shaqooyinka komishanku ka bilaabi doono degaanadaasi.
Inkasta oo aan la xidhiidhnay masuuliyiinta degaankaasi ayaa waxa ay noo sheegeen in aanay haba yaraatee waxba ka ogayn magacda hoose iyo faahfaahinta liiskaas la sheegay inay komishanku magacaabeen.
Si kastaba ha ahaatee madaxdan komishanka oo lagu wado inay soo gaadhaan maalmaha fooda nagu soo haya magaalda Boorama ayay suurto gal tahay inay ku dhawaaqaan magacda xubnahaas 6da ah ee ay Saylac ku soo magacaabeen.
Lughayanews-Saylac


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Masuuliyiin Ka Tirsan Komishanka Qaranka S/land Oo Ku Sugan Saylac Isla Markaana Magacaabay 6 Xubnood Oo Aan Wali La Shaacin "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback