boon-8.JPG

Boorama-(Lug)-Boon ma aha magaaladii aad waayo waayo ogayd, ma aha tuuladii ka tirsanayd degmada Boorama ee iskaa wax u qabsada ku shaqayn jirtay, waa magaalo waynaatay wax walbana sidii baryihii hore way ka duwan yihiin.

boon-2.JPG

Boon maanta waa magaalo wayn oo leh suuqyo waawayn isla markaana xarun u noqotay dadka ka imanaya Djibouti kuwa ka imanaya Boorama iyo dadka xoolo dhaqatada u badan ee ganacsiga kala duwan ka wada degaankaasi.

boon-5.JPG

Boon waamagaalo ganacsi xoogani ka socdo, waa magaalo ay dhex mushaaxayso lacag aad u badan oo u badan Shilin Bir, Fran iyo Doolar, waamagaalo ay ka furan yihiin maant axawaalado waawayn oo ay Dahabshiil ugu horayso.

boon-7.JPG

Boon maanta waa magaalo dhisantay oo dhinacyo badan u faafaysa, waxa ay kugu soo jiidanaysaa midabada kala duwan eek u xardhan guryaheeda ka guuray girgidahii lagu aasaasay ee isku badalay dhaxa, inta badan magaalada waxa soo dhistay qurbo joog aanan dalka joogin.

boon-9.JPG

Boon wali way sii dabo haysaa iibka hilibkii Solayga ahaa ee ay caanka ku ahayd waxaanad arkaysaa haween aad u badan oo baabuurta la hoos jooga hilib si bisil loo soo shiilay oo solay ah oo qiime aad u saryeeya lagu kala iibsanayo, badi waxa hilibkaas iibsada dadka safarka ah ee dhinacyada kala duwan wadada uga kala gooshaya.

boon-magaaladii-solayga-18.JPG

Dhinaca siyaasada Boon waa magaalo ahmiyad gaar ah leh balse waqtigii ay Lughayanews booqatay hadalhaynta siyaasada ee mijilisyada fadhi ku dirirka ah waxa shiiqiyay hadal haynta raadadka ay ka tageen abaaraha dabo dheeraaday ee magalada ku soo burqiyay dadka aadka u badan ee bara ka cayaasha ah, tani waxa ay Boon maanta ka dhigtay xarunta ugu way nee ay soo gaadheen dadka ay abaaruhu bara kiciyeen ee deegaanka kala fog ee ay degmadu xukunto.

boon-magaaladii-solayga.JPG

Inkasta oo ay maanta noqotay degmo hadana maamulkeeda waxa wali gacnta ku haya odayaashii ilaa baryihii hore u arimin jiray dadka ku nool degaankaas, dhalinta inkasta oo aad dareemayso markaad la sheekaysato inay door bidayaan in talada degmada qayb laga siiyo hadana wali waxa aad dareemaysaa in ay ixtiraam xoogan u hayaan odayaasha dhaqanka ee wali ka arimiya magaalada Boon.

boon-4.JPG

boon-magaaladii-solayga-6.JPG

Boon wali tiinkii ayaa ku hareeraysan, ila maantan waxa uu tiinku noqday mid sii fidaya oo dadka u dhow inuu kala baxo degaanka kooban ee hadhay. Ilaa hadana dadka reer Boon kama faa’iidaysan tiinkan mana muuqato xal mustaqbalka dhow ah oo ay u hayaan tiinka degmada Boon.

boon-magaaladii-solayga-13.JPG

Caruurta Boon ku nool way siibadanaysaa maalinba maalinta ka dambaysa, inkasta oo ay waxbarasho aasaasi ah oo hoose haystaan hadana waxa ay caruurtaasi wali laayihiin goobihii madadaalo ee ay magaalo lahayd ee caruurtu ay ku baahi jirtay, waxana aad caruurtaas ilaa maanta ku dhex arkaysaa in ay dhex daadsan yihiin suuqyada kala duwan ee magaalada Boon.

boon-magaaladii-solayga-1.JPG

Boon dhinaca isgaadhsiinta waa magaalo dalka ku xidhan waxana ka hawlgala shirkadaha kala ah telcom iyo Telesom  oo si hagar la’aan ah dadka uga haqab tiray adeegyadii isgaadhsiinta isla markaana ay shaqo ka heleen dhalinyaro aan badnayni. Waxa kale oo ay shirkadahani noqdeen kuwo si wayn uga dhex muuqda bilicda magaalada iyo hawlaha danta guud ah ee magaalada ka dhex socda.

boon-magaaladii-solayga-3.JPG

Boon dadkeedii wuu sii korayaa hadana waa magaalo shaqo la’aan badani haysato dadkeeda, badi dhalintu way shaqo laadahay waxana Boon shaqeeya oo kaliya qofka leh ganacsi gaar ah ama u shaqeeya shariikadaha iyo NGO-yada ka hawl gala degaankaas ama isagu u shaqeeya maamulka curdinka ah ee dawlada ee wali ku shaqeeya maqsinada kooban.

boon-magaaladii-solayga-14.JPG

Boon waxa ay maanta noqotay magaalo bilicsan laakiin tiinku uu waxyeelo u gaystay, Boon waxa ay maanta noqotay magaalo dadkeedu sii badanayo balse ay shaqa la’aan xoogani ka jirto, waxa ay noqotay magaalo ganacsi xoogani ka socdo laakiin ay wadooyinkeedu xun yihiin,Boon waxa ay maanta noqotay magaalo ay dhismayaasheedu aad u korayaan balse inta badan ay soo dhistaan dad qurbo joog ah, Boon maanta waa magaalo ay dadkeedu ku can baxeen afkaaraha ha is caawiso balse waxa ay dhinaca kale la ciirciiraysaan halkii ay gargaar uga heli lahayd dadka tirdada badan ee ku soo busoo burqanaya degaankaas ee qaxootiga degaanadoodii ka soo baro kacay ah. Boon waxa ay maanta noqotay magaalo ay mamulkeedu wali gacanta ugu jiro odayaashii dhaqanka ee ixtiraamka mudanaa balse waxa ku hoos lamaan dhalin tiro badan oo u heelan inay maamul wadaag kala kulmaan odayaasha ama ay tahay markii maskaxooda laga faa’iidaysan lahaa.

boon-magaaladii-solayga-7.JPG

Sikastaba ha ahaatee Boon waxa ay maanta noqtay magaalo xudun u ah siyaasad bislaatay iyo dad wadad dagan oo ay abtirsiintoodu tahay reer Boon.

boon-magaaladii-solayga-4.JPG

boon-magaaladii-solayga-5.JPG

boon-magaaladii-solayga-9.JPG

boon-magaaladii-solayga-10.JPG

boon-magaaladii-solayga-16.JPG

boon-magaaladii-solayga-15.JPG

boon-magaaladii-solayga-12.JPG

boon-magaaladii-solayga-11.JPG

boon-magaaladii-solayga-17.JPG

Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama