Boorama-(Lug)- Inta aad dhex socoto dooxa Abasaha waxa dhex daadsan hadhaaga iyo qodaxda geedka gobka ah oo ahaa mid waa hore xoolaha loo dhigay si ay quud uga dhigtaan hadana ilaa maanta daadsan oo aanu helin roob ka qaada, dooxa waxa dhan walba u mushaaxasha dad badan oo aad u tabar daran oo rag u badan oo dhamaantood garbaha ku wata gudinn iyo hangool ay Lughayanews u sheegeen in ay xoolaha ugu goynayaan hadba geedka caleen leh si ay xooluhu abaarta daba dheeraatay uga hadhaan.
Dadku waxay ku soo urureen darafka soke ee dooxa Abasahe gaagaab halkaas oo naq aan badnayni ku hooray dhamaan, deegaankaasi aadka u kooban ee roobku helay waxa la isugu keenay wixii xoolo ka hadhay abaarta ee wali noolaa, dadka badidiisuna waxa ay yihiin kuwo dul saloolan buuraha iyo gabiyada sare ee dooxa oo ay xoolihu ula baxeen.
Ceelashii biyaha ee gacanta lagu qodan jiray ee dooxa ku yaalay ayaa haba yaraatee aanan biyo lahayn oo gudhay, ceel gacmeedyadan qaar waxa aastay dabaysha wadata carada badan ee dooxa halka qaar kalana ay ka buuxsameen hadhaaga laamo gob ah oo ay xooluhu guyaal hore diirteen, ilaa maanta dadka degaankani abaar xoogan ayuu ka soo kaban laayahay waxana ay intooda badan dumarku ay u biyo doontaan Ceelka gacanta ee daba taag oo ku yaala dacalka hoose ee dooxa Abasahe gaagaab.
Dhinaca tuulada Cadaad waa meel laga guuray oo ay girgidihii ku yaalay wada xidhan yihiin, wax Lughayanews ay halkaasi ugu tagtay oo kaliya dad aan ka badnayn 4 qof oo 3 ka mid ahi ay dumar yihiin, dadkani waxa ay Lughayanews u sheegeen in Tuuladan Cadaad ay maalmaha qaar ahaan jirtay meelaha ugu badan ee ay dadku isugu yimaadaan, waxana oday aan ku qiyaasay 80jir oo dhulka fadhiya uu ii sheegay ” Ma jiraan wax la isugu yimaad, waxa jira abaar xoogan oo aanan waligay arag mid la mid ah, dadkii intii itaalku ku hadhay way hayaameen waxana ay aadeen meeshii biyo ugu dhawayd, waa abaar xoogan dhinaca Cadaad roob kuma di’in waana abaar aad u daran waana taas muuqata in meeshan Cadaad lagu kala tagay.
Qaar ka mid ah dadka xoolo dhaqatada ah ee ku sugan Cadaad iyo dooxa Abasaha ayaa hadana waxa ay aad uga dayrinayaan wacyiga maantu sida uu yahay iyo sida ilaa hada aanay u helinwax gargaar ah “Waa yaab waad la socotaan wacyiga waxaan idaacadaha ka maqlayay baabuur badan oo loo raray dhinaca Laascaanood halkan wali dib looma soo daymoon” waxa yidhi nin ka mid ah dadka degaanka oo magaciisa ka gaabsaday inay shabakadu xusto.
Muuqaaladani waa kuwo xaqiiq ah oo ay shabakadu ka soo qaaday maanta deegaanka Cadaad iyo gudaha dooxa Abasaha
Wariye:-
Cabdale Cali Yuusuf
Lughayanews-Boorama


Barnaamij 04:00 GMT
Sida loo dhagaysto
No user commented in " Ka Bogo Raadadka Naxdinta Leh ee Ilaa Wali Sii Muuqda Ee Abaaruhu U Gaysteen Deegaanka Cadaad iyo Dooxaha Abasaha "
Follow-up comment rss or Leave a Trackback